(HMN):-Waxaa Maanta magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan gaaray boqolaaal katirsan Askarta dowlada Federaalka Soomaaliya oo dhawaan ka soo baxsaday goroonka Diyaaradaha Bali-Doogle gobalka Sh/hoose.
Wararka nagasoo gaarayo magaalada B/weyne ayaa sheegayo in saaka aroortii ay B/weyne soo gaareen Ciidamo ku hubaysan gawaarida dagagaalka iyo hubka culus waxayna durbadiiba ku xaroodeen tuulada Ceel-Gaal oo 20KM ujirto B/weyne.
Ciidamadamadan Gadoodka ah ee B/weyne soo gaaray ayaa dhawaan ka gadooday taliska Ciidamada ee Bali-Doogle kusugnaa islamarkaana sheegay in ay u adkaysan waayeen Cadaadis iyo Hayb kalasooc ay kala kulkmeen saraakiisha Ciidamada Dowlada ee hoostago qaraabada Madaxweyne C/laahi yuusuf.
Dhinaca kale Taliyihii Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed ee gobalka Hiiraana Ninka lagu magacaabo janaar Axmed ayaa shaaca ka qaaday in uu iska casilay xilkii uu hayay kadib markaii ay soo bateen Dilalka qorshaysan ee lala eegto Maamulka gobalka Hiiraan.
Huriwaa.com B/we Hiiraan Bartamaha Somalia





