(HMn):-Wararka nagasoo gaarayo magalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegayo in ay is casileen intabadan Mamulkii gobalka Hiiraan ee uu gudoomiyaha u ahaa yuusf daba geed.
Waxaa lasheehgay in ay istiqaaladoodii ay soo gudbiyeen Xubnihii dowlada hoose ee degmada B/weyne sabab laxariiro arrimaha amaanka kadib markii ay soo bateen Dilalka qorshaysan ee lagula kacayo Mas'uuliyiinta gobalka.
Gudoomiyihii waaxda Canshuur aruurinta iyo Madxii dowlada hoose ayaa la sheegay in ay xilkoodii iska tiriyeen, Xalay Fiidkii yay B/weyne shur jaraaid kuqabteen Mas'uuliyiintan katirsan Maamulka gobalka Hiiraan iyagoona sheegay in ay hanjabaad iyo cabsi gelin kala kulmeen kooxaha Muqaawamada ee dagaalka kawado magaalada Muqdisho iyo gobalada dhexe e dalka Soomaliya.
Gudoomiyah gobalka Hiiraan ayaa Musiibo kutilmamaay iscasilada xubnaha isagoona shacabka reer Hiiraan ugu baaqay in ayka shaqeeyaan Nabada iyo xasiloonida gobalka Hiiraan.
Huriwa.com Muqdisho




