http://www.calanka.com/Wararki-Maanta/warka1744
Yusuf oo ka hadley wadahadalka
10 Feb 10, 2008 - 4:56:44 AM
Madaxweynaha Somalia C/llaahi Yusuuf Axmed oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa ka hadlay sida ay DF ku wajahayso la hadalka mucaaradka ka horjeeda ee ku sugan gudaha iyo dibadda Somalia.
Yusuf, oo wareysi siiyay wakaalad warar oo laga leeyahay dalka Jarmalka ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay waji qura ku wajahayso dib u heshiisiinta Somalia, ayna la hadlayso oo qura kooxaha qunyar-socodka ah ee ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga ah.
"Aniga, Ra'iisul Wasaaraha, Barlamaanka iyo golayaasha kale ee xukuumaddu waxaan u baahan nahay dib u heshiisiin, balse ma ahan in ruux keliya uu hormuud u noqon karo dib u heshiisiinta Somalia" ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo ka jawaabayay su'aal ahayd sida uu u arko dib u heshiisiinta Ra'iisul Wasaaraha Somalia wado Nuur Xasan Xuseen [N. Cadde].
Madaxweynuhu, wuxuu meesha ka saaray inuu jiro khilaaf u dhexeeya isaga iyo Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde, wuxuuna ku tilmaamay wararkaas inay yihiin kuwo aan sal iyo raad lahayn oo la been-abuuray, isagoo carrabka ku adkeeyay inay isku mowqif ka yihiin u adeegidda shacabka Soomaaliyeed, ayna ku tallaabsan doonaan dhawaan howlo wax ku ool ah.
"Xukuumada aan Madaxweynaha ka ahay lama hadlayso kooxaha argagaxisada ah ee ka tirsan Mucaaradka Dowladda, gudaha iyo dibadda dalka halkii ay doonaan haku sugnaadaane" ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf inkastoo uusan cid gaar ah carrabka ku dhufan; isagoo sheegay inay wado DF howlo dib u heshiisiineed.
Yusuf oo wax laga weydiiyay xilliga ay dalka ka bixi doonaan ciidamada Itoobiya ayaa sheegay inaysan baxayn inta dalka Somalia laga xasilinayo, isagoo sheegay inay wadaan dadaallo ay ku doonayaan in la soo dhameystiro xoogagga Afrikaanka ah ee Amisom oo ka howlgalaya Somalia.
Mar wax laga weydiiyay Madaxweyne Yuusuf, caafimaadkiisa, ayuu sheegay inuu caafimaad qabo, isagoo xusay inuu xanuunsaday markii la geeyay dhawaan London, balse ay u sheegeen dhaqaatiirtiisa daweyn dheer kaddib inuu caafimaad qabo uuna howlihiisa wadan karo, isagoo sheegay inuu dhawaan ku laabanayo Somalia, si uu howlihiisa u sii wato.
Wakaaladda ayaa sheegtay inay jiraan kala fikir duwanaasho ku saabsan qaabka loola heshiinayo mucaaradka DF oo u dhexeysa Madaxweynaha Somalia C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisul Wasaarihiisa Nuur Xasan Xuseen [N. Cadde], waxaase beeniyay warkaan C/rashiid Aadan Seed oo ah ergayga gaarka ee Madaxweynaha Somalia oo la hadlay wargeysyo kasoo baxa Itoobiya.
Garowe Online, Muqdisho



