traitors .... ka naaxo nafta waaya .
Posted: Mon Feb 11, 2008 7:17 pm
somaliboqoraad and mj ceeb iyo all other dhabodhilifs . this one is 4 ur'll.
Sheekh Indhacade "Max'ed Dheere riwaayad aan Actor laheyn ayuu jilay".
Muqdisho 11/02/2008 febaury Waagacusub.com
Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad "Indhacade" oo Isbaheysiga Xoreynta dalka Somalia u qaabilsan dhinaca difaaca, ayaa ka hadlay dhalinyaro shalay la sheegay inay ka tirsanaayeen Maxkamadaha Islaamiga oo ku biiray Dowlada KMG ah ee Somalia.
Indhacade oo Saxaafada Muqdisho qaarkood caawa lasoo xiriiray isla markaana sheegay inuu Muqdisho ku sugan yahay ayaa yiri "Maxamed Dheere shalay riwaayad qosol badan oo aan laheyn Actor jila ayuu soo bandhigay".
Sheekh Yuusuf ayaa beeniyay inay jiraan dhalinyaro ku biirtay Dowlada KMG oo horey Maxkamadaha Islaamiga ka tirsanaa, iyadoo dhalinyaradii shalay ku tilmaamay kuwa dharka ciidamada DF laga soo saaray oo la keenay xarunta gobalka Banaadir.
"Dhalinyaradaasi waxay ahaayeen ciidamo ka tirsan Dowlada KMG oo Xamar Weyne iyo Madaxtooyada laga soo aruuriyay, kuwaaso la doonayay in lagu niyad jabiyo mujaahidiinta Muqdisho ka dagaalameysa" ayuu yiri Indhacade.
Waxa uu sheegay in Max'ed Dheere ay heysato cadaadis xoogan oo Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf uu saaray, uuna ku fakiray sidii cadaadiskaasi iskaga dulqaadi lahaa inuu been abuurkii shalay sameeyo sida uu yiri Indhacade.
Waxa uu sidoo kale sheegay inaysan jirin cid Maxkamadaha ka tirsanaa oo Dowlada KMG ah ku biirtay, isla markaana ragii Maxkamadaha ka tirsanaa ay yihiin kuwa Diinta Islaamka ku dhaqma isla markaana aan waligood yeeli doonin inay cadowga u shaqeeyaan.
Sheekh Yuusuf Indhacade waxuu sheegay inuu Muqdisho joogo, isla markaana la dagaalami doono habeen iyo dharaar ciidamada Ethiopian-ka iyo Dowlada KMG ah ee Somalia ilaa ay dalka ka baxaan.
Mar wax laga weydiiyay inay heshiis la galayaan Dowlada Federaalka ayuu ku jawaabay "Adeer waligeen lama heshiin doono Alle ayaana na difaacaya, cadowga Tigreega iyo kuwa daba dhilifka ahna dalka waan ka saareynaa, waana wadeynaa dagaalada aan ugu soo horjeedno" ayuu yiri Indhacade.
Si kastaba ha ahaatee, hadalka Indhacade ayaa kusoo beegmeysa xili shalay xaflad ka dhacay xarunta gobalka Banaadir ee magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay dhalinyaro badan oo la sheegay inay Maxkamadaha ka tirsanaayeen balse ay isku dhiibeen Dowlada KMG ah kuna soo biireen.
Abdifitahaam Ahmed
Email: abdifitahaam@hotmail.com