Dhalinyaro ganacsato reer Gedo oo Tukaraq lagu xabsiyey.

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Dhalinyaro ganacsato reer Gedo oo Tukaraq lagu xabsiyey.

Post by CoolPoisons »

ugu yaraan 4 dhalinyaro ah oo ganacsato ka yimid gobolka Gedo iyo Kismaayo oo ku sii jeeday gobolada waqooyiga Soomaaliya ayaa waxa ciidamada Puntland ee ku sugan inta u dhaxaysa Tukaraq iyo Garoowe ay la wareegeen gaadhigii iyo alaabtii ay siteen oo dhan,iyagiina waxaa la dhigay xabsiga.

Dhalinyaradaas oo ka koobnaa afar nin ayaa waxa lagu eedeeyey inay yihiin ururka Alshabaab,si loo xalaalaysto xoolahooda,waxayna intaanay soo gaadhin Tukaraq ay soo mareen dhul badan oo ay ka mid yihiin magaalooyinka Gaalkacyo,Garoowe iyo meelo kaleba.

Dhalinyaradan oo hadba eedayn aan jirin lagu eedaynayo,ayaa hada waxa lagu eedaynayaa inay sir u gudbinayeen ciidamada Somaliland,meeshii markii hore lagu eedeeyey inay Alshabaab argagixiso ah yihii.Dhalinyaraad ayaa waxa hada lagu hayaa xero ciidan oo ku taala magaalada Tukaraq.

Waxaa wararkii ugu danbeeyey ee aan ka helayno Tukaraq ay sheegayaan in maalinta beri ah dhalintaas lagu wareejin doono ciidamo itoobiyaan ah oo ku soo socda halkaas dhalinyarada lagu hayo.

Maaha markii ugu horeysey ee maamulka Puntland uu dhalinyaro soomaaliyeed ku wareejiyo ciidamada Itoobiya,iyadoo 6 dhalinyaro ah lagu wareejiyey degamada Buuhoodle ciidanka Itoobiya,kadib amar ka yimid madaxda Puntland.

Afnugaal News Desk.

Wixii war ah ee ka soo kordha arimaha dhalintaas la soco afnugaal.com
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Re: Dhalinyaro ganacsato reer Gedo oo Tukaraq lagu xabsiyey.

Post by CoolPoisons »

All 4 are Rer Ugas Shermake, my Rer Abti.
DANEYSTE
Posts: 113
Joined: Tue Jan 29, 2008 2:25 pm
Location: GURIGA HOYADAA

Re: Dhalinyaro ganacsato reer Gedo oo Tukaraq lagu xabsiyey.

Post by DANEYSTE »

Good for them
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”