Mogadishu Security Improves And Taxes To Be Collected!!!
Posted: Thu Feb 14, 2008 7:33 pm
Mag. Muqdisho oo amnigeeda la adkeeyay
Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 12-Febraayo-08
Magaalada Muqdisho ayaa jawi degenaan ah laga dareemayaa, waxaana la arkayaa ciidamo fara badan oo Boolis ah oo Isgoysyada Wadooyinka ku sugan, kuwaasoo ammaanka si weyn u sugaya iyagoo aan ciidamadaasi lakulmaynin wax iska caabin ah oo kaga imaanya kooxaha kasoo horjeeda.
Degenaanshaha xaafadaha ey rabshaduhu ku badnaayeen ee Muqdisho ayaa ka danbeeya kadib markii Ciidamada Booliska bilaabeen howl gal iyo roondooyin ay meelaha qaar ku sameynayaan, si ay uga hortagaan weerarada iyo qaraxyada ay maleegaan Kooxaha ka soo horjeeda.
Saraakiisha ciidamada amaanka ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ay sheegeen in Ku dhowaad tobaneeyo ruux loo soo qab qabtay falal ammaan xumo, kadib howl gal roondeyn ah oo ey ciidamada Booliska ka sameeyeen degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana kooxahaas lagu soo qabtay iyagoo sita Bastoolado iyo bambaanooyin, sida Booliska ku warameen.
Dadka reer Muqdisho oo lahadlayay shabakada wararka ee Calanka ayaa waxaa ay soo dhaweeyeen degenaashaha laga dareemaayo magaalada, waxaana ay kacodsadeen mas`uuliyiinta dowldda in ay qaado tallaabo walba oo lagu sugaayo amniga magaalada.
Gabagabadii xasiloonida laga dareemaayo caasimada ayaa waxaa ay kusoo beegmaysa xili maalmihii lasoo dhaafay ay ilaa iyo 49-qofood oo lasheegay in ay kasoo baxsadeen dhinaca kasoo horjeeda dowlada ay kusoo biireen dowladda federalka inkastoo la ogaan karin in ay sii jiri doonto marka laga eego dhinaca siyaasada.
C/laahi Xassan Baliil
Baliilkhan10@hotmail.com