Kooxaha Al-shabaab oo la yimid isgaadhsiin Cusub
(Muqdisho}18.2-8
Warar aan caawa ka helayno mid ka mid ah shaqalaaha Iskaadhsiinta Muqdisho ayaa widwidh online u sheegay in dhamaan isagaadhsiinta muqdisho ay dhagaysanayaa Al-shabaab yada oo loo keenay qalab ay ku dhagaystaan, taasi oo u fududaynaysa innay dagaal ku qaadaan meesha ciidamada yari ku sugan yihiin.
Ninkan oo diiday inuu magiciisa lagu shaaciyo Internetka ayaa sheegaya in Al-shabaab ay isu diyaarinayaan Dagaal aad u culus oo ay la galaan dowlada iyo xulafadeeda ayaga oo ka bilaabaya Suuqa Bakaaraha.
Isku soo wada duub waxaa muuqda awood dhaqaale iyo mid Hub ah oo haystaan gancasata suuqa Barkaaraha oo ay kaga hortagaan dowlada somaliya ee fadhigeedu yahay magaalada muqdisho.
News Desk WidhWidh Online




