Dagaal sabaabay dhimasho iyo dhaawac oo shalay ka dhacay deegaanka girinlay ee Goboklka gedo.
Sh, M network 22 Feb 08, 14:12
Taliyaha Saldhiga degmada garbahaarey Gaashaanle dhaxe Cabdu qaadir xuseen Cali ayaa waxa uu sheegay in ciidamo uu asaga uu horkacayo ay dagaal la galeen kooxo uu sheegay in ay taageersan yihii maxakmadaha islaamiga ee ku sugan deegaanka girinlay oo ka tirsan gobolka gedo.
Taliyaha Saldhigaasi C/qaadir xuseen Cali oo shabelle la soo xiriiray ayaa waxa uu sheegay in dgaalka uu shalay galab uu ka dhacay deegaanka girinlay halkaasi uu tilmaamay in ciidamadaasi ay isku aruursadeen oo ay ku soo jeedeen dhinaca iyo degmada gar bahaarey,waxa uu sheegay dhinacooda uu hal askari uu kaga dhintay 3 kale ay kaga dhaawacmeen hal booyad ay gacanta u soo dhigeen islamarkaana uu sheegay in dhinaca kale ay arkeen sedax ka mid ah Ciidamada oo geeriyooday.
Ma, jirto Cid xaqiijin karta oo madax banaan sheegashadaan uu sheegtay taliyahaasi in ay dagaal la galeen ciidamada taageersan maxkamadaha islaamiga sida uu hadalka u dhigay iyo tirada uu sheegay in ay ka dileen .
Habeen hore ayay aheed markii taliyaha Saldhigaasi C/qaadir Xuseen Cali uu sheegay in ay Weerar ku sii yihiin Ciidamo uu t




