Postby Wareer » Mon Feb 25, 2008 9:40 am
[quote="Rebel-Lion"][quote="Leila2007"]Dont you guys ever get tired of qabil bullshit and advocating hate![/quote]
It's never tiring, why engage in something unless you're 100% committed. It's good to go on a qabil binge.
Wareer
Source?[/quote]
Ciidamadii Somaliland oo laga ceyrsadey Badhan iyo ciidamo beeleedyo kusoo qul qulaya Badhan
Badhan:- Ciidamadii ka yimi Waqooyi galbeed ee Somalia ayaa si deg deg ah uga baxay magaalada Badhan kadib markii 3da gees ciidamo laga fariisiyey loona fasaxey iney si nabad ah uga baxaan Magaalada Badhan iyadoo ay ciidamadaasi ka bexeen Badhan saacadu markey aheyd 1dii Duhurnimo.
Bixitaanka Ciidamada Somaliland ayaa waxay timi xili dadka deegaanka iyo wax garadkoodu ay iclaamiyeen xaalad dagaal iyadoo ciidamo hor leh ay soo galeen Magaalada Badhan.
Wax iska hor imaad ahi ma uusan dhicin iyadoo aysan jirin wax dagaal ah oo aan ka hayn ciidamada lasoo dhoobey hareeraha Magaalada Badhan.
Sidoo kale ciidamo hor leh oo uu hogaaminayo Col Goraya Cawl ayaa soo gaarey maagalada Badhan iyagoo ciidamadaasi ay yihiin kuwo u dhashey Gobolka isla markaana xoojiyey ciidamada kale ee hore ugu sugnaa Magaalada Badhan.
Goraya Cawl ayaa waxaa weheliya Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo kasoo raacey magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari iyadoo uu hada Gudoomiyuhu ku sugan yahay Magaalada Badhan.
Dhinaca kale Dhamaan degmooyinka Gobolka ayaa degan iyadoo arintani ay abuurte su'aalo hore leh oo ay ugu horeeyaan sidee bay ciidamo beel ahaan aan u dhalan Sanaag ay u yimaadaan Badhan? iyo Maxaa looga war heli waayey intey soo socdeen?
LaasqorayNET/Badhan