Ciidadamo Somaliland ah oo ay hogaaminayaan 3 wasiir oo reer Sanaag ah oo fadhiistay Hadaaftimo.
Warkii 24-Feb-2008 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk.
Ciidamo Somaliland ah oo ku hubaysan gawaadhi dagaal oo gaadhaya ugu yaraan 20 gaadhi oo ay hagayaan niman u dhashay gobolka Sanaag oo wasiiro ka ah Somalialnd iyo ciidan boqolaal ah ayaa fadhiisin ka samaystay Kal-Gubataale oo dhinaca galbeed ka xigta Degmada Hadaaftimo.
Ciidankan oo ay hogaaminayaan rag ay ka mid yihiin Wasiirka Kaluumaysiga ee Somaliland Cali Qoorseef ,Muse Daylaf,Indha-yare oo horey taliye uga ahaa ciidanka Asluubta Puntland iyo Muse Jaamac oo dhamaantood ka soo jeeda deegaanka Sanaag Bari ayaa waxa la sheegayaa inay ku sii jeedaan Badhan.
Dhanka kale suldaanka guud ee beesha Warsangeli Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan iyo wafti uu hogaaminayo ayaa hada mudo bil ku dhow ku sugnaa magaalada Hargeysa,isagoo halkaas kula kulmay madaxda Somaliland,ayna ka wada hadleen sidii maamulka loogu fidin lahaa gobolka Sanaag.
Gobolka Sanaag Bari ayaa waxa dhowaan lagaga dhawaaqay maamul loo bixiyey Maakhir,waxaana aan la hubin xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo maamulka Col Jibriil.
Wararkii ugu danbeeyey ee Hadaaftimo ayaa sheegaya in ciidamo taageersan Puntland oo uu wato nin magaciisa lagu sheegay Cashuur uu soo gaadhay Hadaaftimo,labada ciidana ay hada is hor fadhiyaan,xabaduna xili kasta qarxikarto.
Dagaalkan ayaan la garan karin meesha uu saldhigan doono,iyadoo dhulkaas ay awoodiisa isku haystaan 3 maamul oo kala ah Somaliland,Puntland iyo Maakhir,iyadoon la garan karin labada dhinac ee dagaalku dhexmari doono kuwa ay noqon doonaan.
Maamulka Puntland ayaan aqoonsanayn maamulka Maakir State,sidoo kale maamulka Somaliland ayaan aqoonsanayn maamulka cusub,iyadoo la sheegayo inuu jiro xidhiidh hoose oo ka dhexeeya Maakhir iyo Somaliland.
wixii warar ah ee arimahaas ka soo kordha ha ka fogaan Afnugaal.com.
Afnugaal News Desk.