Postby sNm_RaPpa » Tue Feb 26, 2008 4:46 pm
Gen Gabre oo tegay magaalada Hargeysa caawana u baqoolay Magaalada Muqdisho
Hargeysa:-Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Wafdi uu hogaaminayo Gen Gabre uu safar ku tegay dhowr casho ka hor magaalada Hargaysa ,isagoo intii uu halkaas ku sugnaa booqasho ku tegay Marsada Berbera waxaana uu kulamo la qaatay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka S/lland.
Ilo wareedyo ku sugan magaalada Hargaysa ayaa u xaqiijiyey Shabakada wararka Halgan.net imaanshaha wafdigaan Itoobiyaanka ah uu horkacayop Abaanduulaha ciidanka Itoobiya ee dalka Soomaaliya, ilaa hadda lama garanayo waxa ay wafdigaan kala hadleen Maamulka S/lland ,balse dadka indhaindheeya siyaasada Soomaaliya ayaa aaminsan in wafdigan uu Madaxda S/lland kala hadli doono xaalada Xuduuda S/lland ay la leedahay Itoobiya ,xaalada Gobolka Sool iyo khilaafka u dhexeeya labada Maamul ee S/lland iyo Puntlland.
Wasiirka Gaashaandhiga S/lland C/laahi Cali Ibraahim ayaa Idaacada VOA wax ka wiidiisay Wafdiga Itoobiyaan ah oo shalay soo gaaray Magaalada ayaa Wasiirku xaqiijiyey imaanshaha Wafdigaan isagoo sheegay in labada Dal ee Itoobiya iyo S/lland ay iska kaashadaan dhinacyo badan gaar ahaan dhinaca amaanka si loo adkeeyo xuduuda labada Dal waa sida uu hadalka u dhiga Wasiirka Gaashaan dhiga ee S/lland.
Wasiirka Gaashaandhiga S/lland C/laahi Cali Ibraahim ayaa sheegay in Saraakiisha Ciidanka Itoobiya aysan kala hadlin ama aysan jirin heshiis ay la gaareen inay wax ka soo degsadaan Marsada Berbera.
Waa markii ugu horeysay ee ee abaanduulaha ugu sareeya Ciidanka Itoobiya ee ku sugan dalka Soomaaliya Gen Gabre uu tegay Magaalo Madaxda S/lland ee Hargeysa.