Dhoobley oo Mareekanku weerar xoogan ku qaadey isla markaana dhaliyey khasaare ba'an
Kismaayo:- Weerar xoogan oo ay qaadeen maraakiibta dagaalka ee ku sugan xeebaha Koonfureed ee wadanka Soomaaliya oo ay ku qaadeen Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose isla markaana dhaliyey khasaare ba'an oo isugu jira dad iyo aduunba.
Weerarkan ayaa waxaa ka qeyb qaatey 2 Markab oo u dhow magaalada Kismaayo isla markaana ay maraakiibtani rideen Sawaariikhda ay hagayaan ishaacaadka layrka.
ilaa iyo 5 Sawaariikh ayaa laga soo ridey maraakiibta xaga ay 3 ka mid ahi ku dhaceen magaalada iyadoo kuwa kalena ay ku dhaceen banaanka magaalada Dhoobley.
Sawaariikhdan ayaa ah kuwii lagu qaadey wadanka Suudaan sanadihii 90aadkii oo baabi'iyey wershadii sameyn jirtey Daawooyinka ee Alshifaa.
Dhoobley ayaa maalmihii lasoo dhaafey waxaa gacanta ku dhigey xoogaga taageersan Sheekh Xasan Al-Turki oo u dhashey Gobolka si weyna u kala yaqaana deegaanadaas.
Weerarkan ayaa waxa ka dhashey dhimasho inta la ogyahay gaareysa ilaa iyo 8 qof oo dadka rayidka ah iyo xoolo badan oo markaa ka agdhowaa bartamaha Magaalada, sidoo kale waxaa bur burey Saldhiga Degmada sida ay sheegayaan dad ku sugan magaalada.
Sidoo kale weerarkani maaha kii 1aad ee ay qaadaan ciidamada Dalka Mareekanka iyadoo ay hore Weerar xoogan oo ay qaadeen Diyaaradaha Dagaalka ee Mareekanka ay ku qaadeen isla Gobolka Jubada Hoose iyo Degmada Baargaal ee Gobolka Bari.
Waxaa intaa dheer in Diyaaradaha Mareekanka ay si joogto ah u joogaan Hawada Soomaaliya gaar ahaanba kuwa Gobolada Jubada Hoose, Maakhir, iyo Hiiraanba.
War cad kama soo bixin aqalka Difaaca ee wadanka Mareekanka iyo kan arimaha Dibada iyadoo aysanna ka hadlin Dowlada Federaalka ah.
LaasqorayNET/Kismaayo
JEBERTI RUN FOR UR LIFE





