Nin Yahaabur ah oo dhalashadiisu tahay wadanka jarmalka ayaa lagu xukumay xadhig mudadiisu tahay 5 sano kadib markii muran dhex maray isaga iyo xaaskiisa kadibna uu xaaskiisii kaga fadhiistay qaarka sare taasoo sababatay inay feedhaheedu burburaan taasoo ay ugu danbeyntii ay u geeriyootay.
Ninkan Yahaaburka ah oo culeyskiisu ahaa 20-stone (128kg) ayaa xaaskiisii kaga fariistay qaarka sare mudo ah 2 daqiiqo halkaasoo uu gaarsiiyay feedhaheeda burbur dhan 18 meelood sidaasna waxaa sheegay Jan-Michael Seidel oo ah afhayeenkii Maxkamada magaalada ku taala waqooyiga wadanka Germany ee Hildesheim.
Haweenayda geeriyootay ayaa waxay iyada miisaankeedu ahaa kala badh inta ninkeedu ahaa waxaanay haweenaydii u geeriyootay burburkii kasoo gaadhay fadhigii uu ku fadhiistay ninkeedu mudo bill ah ka dib.




