Waa loo darsaday odayga wey nagu diraayeene
Duqii lagama raysane afkaa diidayoo nacaye
Ciilkii nadaa lamase helin dux iyo iidaane
Dad weynow su'aal diirran baan idin dareensiine
Gartii adiga kuu daadegtaa lagu dawoobaaye
Dadkuna kuma qancaan been cadoo maro ku daahnayne
Duqii hore maxaa loo eryoon kula dagaalayney
Dalkii iyo dadkiyo diintii buu dumiyey sow maaha
Ka daroo dibidhal baan aragnay iyo furuqyo daacuune
Dagaal aan dhammaan waxaa ka roon dowlad jaa'irahe
Duqii doona ducana ugu dara waad na dubateene
Allow yaa inoo diga markaan duqa ku yaacayney
Allow yaa dariis ciidan iyo dowlad mar u jeeda
Dib wax ugama sheegeen askari daa'in abidkeeye !!
Abwan Abshir Noor Farah "Abshir Bacadle"