Page 1 of 1

Banadir police chief Dhumal goes after the Hutus in Bakara

Posted: Sat Mar 08, 2008 11:31 am
by CoolPoisons
Waxaa maanta maalintii labaad xiran dhamaan goobihii ganacsiga ee suuqa Bakaaraha kadib markii ay shalay galeen Ciidamada dowladda fedaraalka ah gaar ahaanna ciidamada booliiska, iyaga oona sheegay in ay fariisimo ka sameysanayaan gudaha suuqaasi.

Sida uu Saxaafadda u sheegay taliyaha howl-galada Ciidamada Booliska Soomaaliya Janaral Yuusuf dhuumaal ayaa tibaaxay in ay fariisimo ka sameysanna yaan gudaha Suuqa bakaaraha oo ah oo uu ku tilmaamay meelaha laga soo qorsheeyo weerarada ay ka kooxaha dowladda ka soo horjeeda ku soo soo qaadaan fariisimaha ciidamadda dowladda fedaraalka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Dhanka kalana, waxaa maanta xasiloon inta badan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana la arkayaa ciidamada dowladda kumeel gaarka ah oo taagan isgoysyada wadooyinka oo idil. Sidoo kale ciidamadda dowladda Itoobiyo oo dusha ka ilaalinayo agagaarka Jidka 30ka, isgoyska Bakaaraha, Wadada Warshadaha, iyo Xaruntii hore ee Gaashaandhiga.

Si kastaba ha ahaatee waxaa mar kaliya isbadali karo ammaanka magaalada Muqdisho,iyadoona markasta la maqlayo dhawaqa rasaasta oo ay ridayaan ciidamadda Dowladda ku meel gaarka ah oo iska guul-guulayo kooxaha ka soo horjeedo oo inta badan ku soo qaado weeraro gaadma ah oo ku dhufoo ka dhaqaaq ah.


Wali Sh Cabdi Gurxan
Gedo News Network
Isgoyska Bakaaraha Muqdisho