Muqdisho: Suuqa Bakaaraha oo Saldhigyo Milateri laga dhex furay.
8. marts 2008
This Government is No Joke and reer Mogadishu are just
Realizing It.
--------------------------------------------------------------------------------
Muqdisho(AllPuntland)- Ciidamo fara badan oo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa la geeyey saldhigyo Milateri oo laga dhex sameeyey gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha ,sidaasna waxaa sheegay Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Taliyaha ciidanka Booliska ee gobalka Banaadir Gen. Dhuumaal ayaa sheegay in ay Saldhigyadan dhigeen ciidamo fara badan oo ah kuwa Tababaran ,isla markaana ujeedku yahay sidii ay uga shaqeyn lahaayeen amaan ku soo celinta Suuqa weyn ee Bakaaraha.
Jenankan ayaa sheegay in ay howlgalo ka fulinayaan Bakaaraha ,wuxuuna ka hor yimid in ay ka cabsi qabaan Weeraro uga yimaada Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Jamhuuriyda Soomaaliya ,isagoo sidoo kale siweyn udiiday in ay Bililiqo geysteen ciidamada dawladda Soomaaliya.
Dhuumaal wuxuu ku nuux-nuuxsadey in ay doonayaan in ay Suuqaasi ka saaraan Kooxaha Al-Shabaab ee ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,Sarkaalkan wuxuu tibaaxay in gudaha Suuqa ay kuyaalaan Saldhigyo ay leeyihiin Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.
Taliyaha Booliiska Qaybta Gobolka Banaadir Gen. Yuusuf Xuseen Cusmaan ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in ay ciidamada ay geeyeen Suuqaasi yihiin kuwa aan aheyn Maleeshiyo ,isagoo dhamaanba meel ku tuuray warka dhahaya in ay ciidamada Booliska Soomaaliya booben Hanti ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed.
"Talladan aan qaadaney ee aan ku furnay Saldhigyada Milateri waxa ay soo afjaraan dagaalada maalin walba laga soo qaadayo Suuqa Bakaaraha ,dabcan sida ay muuqato talaabtan aan qaadaney waa mid wanaagsan waxa ayna soo xireysaa dagaalo aan macno badan ugu fadhiyin dawladeena oo lugu soo qaadayay Xarumaha DFKMGS" Ayuu yiri Taliyaha Booliiska Qaybta Gobolka Banaadir Gen. Yuusuf Xuseen Cusmaan.
Warkan ka soo baxay Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku soo beegmaya xili ay soo baxayaan warar sheegaya in ay gacansatada Magaalada Muqdisho soo gudbiyeen qoraal dheer oo ay uga hadlayaaan Xaalada Suuqa weyn ee Bakaaraha iyo go'aamo ay ka gaareen sid aay ku wada shaqeyn Kaaraan ciidamada dawladda Soomaaliya & ganacsatada Suuqa Bakaaraha.
F. C. Geylan
AllPuntland




