Maamulka cusub ee degmada Baardheere oo muujiyey wax qabad heersare ah oo aan horey magaalada looga baran.
Baardheere: Magaalada Baardheere oo kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacdey Doorasho si heersare ah loosoo agaasimey todobaadyo ka hor, doorashadaas oo lagu soo doortey gudoomiye cusub iyo ku xigeenkiisa.
Gobolka Gedo ayaa inta badan waxaa lagu amaaney howlaha iskaa wax u qabso, iyo is abaabulka hormarinta deegaanka, sida wax barashada, caafimaadka, iyo wixii la mid ah, taasina waxaa muujiyey Gudoomiyaha Cusub ee Maamulka Degmada Baardheere Maxamed Shariif Xirsi Dhudi oo durbaba bilaabay dhaqdhaqaaq ay ka mid yihiin dib u habaynta buundadii duntey, wax ka qabashada isbitaalka weyn ee magaalada, oo aan mudo la dayactirin, iyo nadaafada magaalada.
Gudoomiyaha cusub Mr. Dhudi ayaa inta uu heystey maamulka magaalada wuxuu isku xirey jaaliyada dibada iyo tan dalka, wuxuu si toos ah subax walba ula shiraa bulshada ku dhaqan magaalada, iyagoo ah dadka reer Baardheere dad jecel iskaa wax u qabso oo gudoomiyaha markii horeba howsha u sahashey, taas oo runtii ku dayasho mudan.
Maxamed Warsame Dhahar
Baardheere, Gedo
Dhahar.com
http://www.dhahar.com/article.php?articleid=4224