Tunka Eyl Taleex iyo Nugaal, Tumurre meeshiisa
Taallada Hargeysiyo Burciyo, Tahadka Buuhoodle
Tariinaha Jabbuutiyo intii, Taango laga gaaro
Togga Adari tuulada Wardheer, Tur iyo Laasoole
Tayim iyo Mareeraale iyo, webiga teedkiisa
Tubta Xamar tafaha Jawhar iyo, tayga Beledweyne
Toobiga Wajeer loo mariyo, tuluska Baardheere
Tuus iyo Quraanyey Garraha, labada tooxood ah
Tunni iyo Abgaal iyo Hawiye, Tuurcaddiyo Booran
Marreexaanka Tuuraha degoo, Togo ku maalaaya
Majeerteenka taagtiyo Hartiga, turuqa waaweyn leh
Iidoorka wada taajiriyo, tiirka Habar Yoonis
Ogaadeenka tamashleynayoo, tirada loo daayey
Intaas aan turaab iyo dhul iyo, tol iyo meel sheegay
Tixaha gabay anaa Yuusufow, taarashka u sida'e
Dadkuna ii tixgeli meeshan iyo, toban jirkaygiiye
Anigoon toddoba gaarin baan, taani ku ahaaye
http://www.allgedo.com/June/shaafici 17 9 4.htm



