Postby Somalian_Boqor » Tue Mar 11, 2008 8:53 pm
Nayroobi: Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmaya Dhigiisa Kenya.
10. marts 2008
Nayroobi(AllPuntland)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed oo ku sii jeeda Dalka Sinigal ayaa ku sii hakanaya Caawa magaalada Nayroobi ee Xarunta dalka Kenya ,isagoo la kulmaya Dhigiisa dalkaasi Kenya oo ay ka wada hadlayaan xaalado badan.
Madaxweyne Yuusuf ayaa kala hadlaya Madaxweynaha Kenya arimaha Xiriirka Labada wadan ee Soomaaliya & Kenya iyo doorka ay kenya ka qaadaneyso arinta Dibu heshiisiinta ee dalka Soomaaliya ,ayagoo sidoo kale isla soo qaadaya Madaxda dawladaha Soomaaliya & Kenya arimaha ladagaalanka Argagixisada.
Md. Yuusuf ayaa ubandhigaya Mwia Kebaki in ay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ubaahan tahay gargaar deg deg ah oo lala soo gaaro ,kaasoo ku aadan xaaladaha qalafsan ee ka taagan dalka Soomaaliya gaar ahaana sidii ay Kenya door muuqda uga qaadan lahayd arimaha dibu heshiisiinta ee dalka Soomaaliya.
Sarkaal sare oo ka mid ah Wafdigan oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu Madaxweynuhu Casumaad ka helay madaxda dawladda Kenya ,ayna ku martiqaadeen in uu kala qeyb qaato madaxda dawladda Kenya ,madaxdaasi arimo latashi ku aadan.
Madaxweynaha Soomaaliya & Hogaamiyaha IGAD ahna Madaxweynaha Kenya ayaa isla soo qaaday doorka uu ururka IGAD ka qaadanayo taageerida dawladda Faderaalka ee Soomaaliya iyo Dibu heshiisiinta dalka Soomaaliya ka dhacda loona baahan yahay taageerida dibu heshiisin balaaran oo ka dhacda dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa beri subax ka dhoofaya Magaalada Nayroobi ,isagoo ku sii jeeda Magaalada Dakar ee Caasumada Sinegal ,halkaasi oo ay iskugu tagayaan in ka badan 50 wadan oo Islaam ah iskuguna tagaya dalkaasi Sinegal ayagoo doonaya in ay waxyaaabo badan ka wada hadlaan.
F.C. Geylan
AllPuntland