Kooxo hubeysan oo maanta degmada waabari ay toogtay nin ka tirsanaan jiray hobolada Waabari.
Muqdisho.13 March. 08 (Sh.M.Network)- Aadan Cali xasan oo ka tirsanaan jiray hobalada waabari ayaa kooxo hubeysan ay ku toogteen Xaafada 21 Oktobar ee degmada waabari ee Gobolka Banaadir.
Marxuumkaan ayaa waxa uu fadhiyay meel shaah lagu cabo oo ku taala 21 Oktobar xiliga la dilaye,waxaana goobta uu dilka ka dhacay soo gaaray Ciidamada booliska ee DFKM gaar ahaan degmada Waabari Balse ayaa san ku guuleysan in ay soo qabtaan kooxaha dilka geysatay.
Aadan Cali Xasan oo horay uga tirsanaanjiray hobolada waabari ayaa hadda ahaa nin ka xamaasha gaari gacan sida ay sheegeen ehelada ninka la dilay,waxaana ay intaasi raaciyeen in uu san shaqo ku la hayn siyaasadaha ka jira gudaha dalka Somaliya.
Saakay ayaa kooxo hubeysan ay togteen Macalin dugsi oo caan ka ahaa Xaafada Buula xuubeey ka dib markii dilka macalinka ay fuliyeen rag ku libisan darayska cidamada DFKM islmarkaana ay ka qeyb tahay falalka amni darad ee ka jira Magaalada Muqdisho.



