Baaq ay Soo Saareen Waxgaradka Iyo Odayaasha Beelaha Ciise Maxamuud Iyo Dhulbahante .
Warkii 14-Mar-2008
Baaq ku wajahan masuuliyiinta maamul goboleedka puntland oo la sheegay inay shirkado batrool kula heshiiyeen inay shidaal kaga baaraan deegaanada hol hol iyo suni jiif ayaa waxaa bayaan kasoo saaray waxagaradka iyo odayaasha beelaha ciise maxamuud iyo dhulabahante taasoo ay ku sheegeen in arintaasi laga feejignaado islamrkaana aan lagu degdegin .
Waxagaradka iyo odayaashan ayaa sidoo kale xusay in arintaas ay ka fiirsadaan masuuliyiinta maamulka puntland taasoo ay sheegeen in hadii la isku dayo in arintaasi lagau dhaqaaqo ay keeni doonto xaalad olaadeed oo ka dhalata islamrkaana ay ugu baaqayaan shirkadaha shisheeye inaysan siku dayin umada deegeenkeed inay shidaal ka baaraan waxii ka yimaadana aysan hadhoow wax shaqo ah kul lahayn waa siday hadalka u sheegeene .
Bayaankan oo ay saxaafada usoo gudbiyeen waxgaradka iyo odsayaal caan ka ah dadka ku dhaqan deegaankaasi islamrkaana kasoo jeeda beelaha aan soo sheegnay ayaa waxay gaarayaan ilaa 150-xubnood oo dhamaantood diidan in maamulka puntland isagoo aan damaanad ka haysan dadka deegaanka ku dhaqan uu iska galo holw aysan raali ahayn .
Si kasataba ha ahaatee bayaankan ay soo saareen waxgaradka iyo oadayaasha beelaha ciise maxamuud iyo dhulbahante ayaa u muuqda mid hadii ay maamulka puntland ka talaabsadaan keeni kara xaalad murugsan oo keenta xiisad colaadeed .
yaasiin faytin
yaasiinfayutin@hotmail.cominfo@afnugaal.com