Ciidamada Ethiopia ee ku sugan Caasimada Muqdisho ayaa la soo sheegayaa in xaalado adag ku heysato qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho oo ay ku leeyihiin xarumo.
Ciidamada ayaa maalmihii la soo dhaafay hakiyay dhaq dhaqaaqyadooda iyo howl galadii ay ka wadeen Caasimada, kadib markii kooxaha kacdoonka ay kordhiyeen weerarada ay kaga soo horjeedaan.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada ay xarumahooda qaar ku heysato raashin yari iyo biyo la'aan, waxaana goobaha dhibaatada adag ku heysata ka mid ah Xarumaha Warshadii Baastada iyo Xerada Maslaxa.
Sahaydii gaari jirtay ciidamadaas todobaad walba ayaa waxay qaarkood u xanibmeen dhaq dhaqaaqyada ballaaran ee ay wadaan kooxaha kacdoonka wada.
Sababaha Ciidamadan hakadka u geliyeen dhaq dhaqaaqooda ayaa la sheegay in ay timid, kadib markii ay ka war heleen in kooxaha kacdoonka weeraro ballaaran ku soo qaadi rabaan xarumaha ay kaga sugan yihiin.
Gawaarida Ciidamada Xambaara iyo kuwa gaashaaman ee ay saaran yihiin qoryaha lidka diyaaradaha ayaan ka soo bixin xarumahooda, kadib markii wadooyinka qaar loogu aasay Miinooyin.
Boqolaal ka tirsan Ciidamada Ethiopia ayaa ku geeriyooday Qaraxyada Miino ee laga hago meelaha fog, taasoo keentay inuu yaraado dhaq dhaqooqoodii Caasimada.




