An age-old tribute called Siraadka Afrika composed by the late Gadabursi playwrighter, Xasan Sheikh Muumin,
Siraadka Afrika laabtiisu saxar madow lahayn
Siyaad, aabaha soomalida cusub soo jeede foojigan
Siyaad, sadkiisa lama cunee sir ma qabe dadaal badan
libtiisa lama sidkee sareedo iyo guul barwaaqo
loo siman yahay sacaado noogama horreyn
Siyaad, sidaan u qaadannay tawraddaan ku dhaadanay
sifaalahaan u soo marnay sama doqontii seexataa
seceedu dibi dhalaa
negaade suubanow salguri baan dhisnee
sareedo noogama horreyn loo siman yahay
Siyaad, saacado noogama horreyn
Siyaad, sidaan u qaadannay hanti wadaagga nolosha noo simay
silic iyo saboolba waan sagootinnay
tallaabadii Siyaad sokeeye iyo nacab
siyaasad huftan buu dunida kula socdaa
sareeda iyo guulbarwaaqo loo siman yahay
sacaado noogama horreyn, Siyaad
http://i166.photobucket.com/albums/u111 ... hMumin.gif