IN KA BADAN 150 ASKARI OO KA SOO GOOSTEY PUNTLAND, KUNA SOO BIIREY CIIDANKA QARANKA S/LAND
Hargeisa (Somaliland Future) 23.03.2008, in ka badan 150 ka tirsanaa Ciidanka Qaranka maamul Goboleedka Puntland, ayaa ka soo goostey, kuna soo biiray Ciidanka Qaranka Somaliland.
Ciidankan ka soo goostey maamul Goboleedka Puntland oo maalintii shalay soo gaadhay magaalo madaxda Gobola SOOL ee Laascaanood, ayaa waxa halkaas ku soo dhaweeyey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland ee ku sugan Magaalada laascaanood.
Ciidamadan oo la weydiiyey sababta ku keliftay inay wakhtigan gartaan in Gobolka SOOL ka tirsan yahay Somaliland, waxa ay sheegeen in la khalday, isla markaana maamulka Puntland ay kala kulmeen Cadaalad darro, musuqmaasuq iyo maamulxumo.
Maaha markii ugu horeysay ee Ciimado ka tirsan maamulka Puntland ka soo goostaan, una soo galaan Somaliland, balse tan iyo intii maamulka Laascaanood gacanta ay ku dhigtay Somaliland, waxa iska daba imanaayey boqolaal ka tirsan Ciidanka Qaranka Puntland oo ku soo biiraayey Ciidanka Somaliland..
Somaliland Future Online
Hargeisa
Mohamoud Mohamed Hashi



