Postby AbdiWahab252 » Sun Mar 23, 2008 7:01 pm
Jamac Luugey massacred the Wagardhac and wrote a poem about it.
Jimcaale Jaamac Lugeey (Reer Hilowle)
Gabaygan wuxuu abwaanku tiriyey xilli ku aaddan 1952kii. Jimcaale Jaamac wuxuu gabaygan ku dulmarayaa khaladaadkii ka dhacay intii uu noolaa isagoo Eebbe weydiisanaya inuu u dembi dhaafo. Ilaahay ha ka aqbalo, Aamiiin.
Qudhaan gooyey, qoys waxan diliyo, qalad waxaan geystay
Salaadaan qatalay, hiiradaan, qararaclaynaayey
Xalaashaan ka qaday booligaan, quruxda moodayeey
Qarin maayo oo waxaan qabaa, qaan aan fududayne
Qadar Eebe mooyee majiro, qiil aan suubsado'e
Ilaahoow Jannada hayga qadin qaadir baa tahaye.
Saddexdaan beydna waxay naga soo gaadhay mala goob ka mid ah goobaha uu gabayga kore Eebbe ku denbi dhaaf weydiisanayo. Waa xilli malaa Jimcaale iyo qoyskoodu karbaash ku dhufteen beelo ay deegaan wadaag yihiin oo Mareexaan ah.
Celigii Ubbada wayn lahaa, aabiley Wagardhac
Nimankii aryaha maali jiray, lays ogaa shalay'e
Allow edab mayeesheen markii laysku oday sheegtay.
Bal abwaankan u soo caddaalad fal oo gabayadiisa soo dhammee.