Page 1 of 1

Aqoonyahanka iyo afkiisa

Posted: Mon Mar 24, 2008 3:22 am
by KeligiiJabhad
".....Si joogto ah waxaa loogu faanaa ummad ahaan in la wadaago af keli ah. Waxaa kal oo lagu faanaa af somaaligu in uu ka mid yahay afafka ugu waaweyn Qaaradda Afrika. Waxaa kale oo lagu sii faanaa af soomaaligu in uu yahay af hodan ah oo maanso tiro iyo tayo leh lagu maansheeyey. Haddana isla jeerkaas lagama waantoobo in afaf kale loo gumoobo oo wax la isugu sheegsheego. Markaas, ugu horrayn, waxaa la isweydiin karaa goorta ay bilaabatay iyo sida ay ku bilaabatay qof soomaali ahi in uu soomaali kale af kale kula dhaqmo", .......waxaa sidaas yiri Ibraahin Yuusuf Axmed "Hawd", oo laga yaabo in aad taqaanaan ahna Qoraa madax banaan.

Marka aad akhrido qoraalkan waxaan filayaa in uu wax badan ka badali doono aragtida aad ka qabto Af Soomaaliga iyo adeegsiga badan ee la isticmaalo luuqadda Ingiriisiga markii la doonayo in la dhiibto ama la bixiyo afkaar noocay doonto iyo intay doontaba aragtidaasi ha le'ekaatee. Haddaba si aad u sii ambaqaaddo akhriska qormadan yar ee aan soo xigtay, tixraac Cinwaanka hoos ku xusan.

http://wardheernews.com/articles_08/Mar ... _Hawd.html