Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

One of the best love songs!!!!!!!!

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
BABYGIRL123
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5273
Joined: Mon Jul 09, 2007 12:09 am

One of the best love songs!!!!!!!!

Postby BABYGIRL123 » Thu Apr 03, 2008 2:11 am


wadaniweyn1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2325
Joined: Wed Mar 28, 2007 10:39 pm

Re: One of the best love songs!!!!!!!!

Postby wadaniweyn1 » Thu Apr 03, 2008 2:16 am

BABYGIRL123 wrote:http://www.sclub19.com/music/song.php?id=1833

:rose: :love: :rose: :(




naaya why are you pretending to be a man :?: aka magnificent :lol:

manxee
Posts: 165
Joined: Thu Feb 14, 2008 12:07 am

Re: One of the best love songs!!!!!!!!

Postby manxee » Thu Apr 03, 2008 2:19 am

:lol: :lol: :lol: Kkkk jacayl baa ku hayaa soo mahaa

User avatar
BABYGIRL123
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5273
Joined: Mon Jul 09, 2007 12:09 am

Re: One of the best love songs!!!!!!!!

Postby BABYGIRL123 » Thu Apr 03, 2008 2:20 am

Inaanyahoow ruucli iyo orood
kugu radshaay aniguyoo
wuuxuu urkuu raboo afkaa lagaama reebee
waan kuguu riyooda!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Inaanyahoow ruucli iyo orood
kugu radshaay aniguyoo
wuuxuu urkuu raboo afkaa lagaama reebee
waan kuguu riyooda!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

waan kuu dalaay radiiskaagi weey weey weey
waan kuu dalaay radiiskaagi yeey yeey yeey

Qalbiigi kuu racaa reysaan wayaay oowga
iigaa daa rog roogashaada
Huuno
Qalbiigi kuu racaa reysaan wayaay oowga
iigaa daa rog roogashaada

Raayi yaari dumaarkaa
iguu wacaan raafaadkoo
inaan kaan rabeey anigu
haadaalkii kareebtoo
kanaa reysaan wayee

waan kuu dalaay radiiskaagi weey weey weey
waan kuu dalaay radiiskaagi yeey yeey yeey

Qalbiigi kuu racaa reysaan wayaay oowga
iigaa daa rog roogashaada
Huuno
Qalbiigi kuu racaa reysaan wayaay oowga
iigaa daa rog roogashaada

User avatar
BABYGIRL123
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5273
Joined: Mon Jul 09, 2007 12:09 am

Re: One of the best love songs!!!!!!!!

Postby BABYGIRL123 » Thu Apr 03, 2008 2:22 am

manxee wrote::lol: :lol: :lol: Kkkk jacayl baa ku hayaa soo mahaa


:roll: :lol: :lol: maybe

wadnaweeyne magacyo badne :arrow:

wadaniweyn1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2325
Joined: Wed Mar 28, 2007 10:39 pm

Re: One of the best love songs!!!!!!!!

Postby wadaniweyn1 » Thu Apr 03, 2008 2:28 am

BABYGIRL123 wrote:Inaanyahoow ruucli iyo orood
kugu radshaay aniguyoo
wuuxuu urkuu raboo afkaa lagaama reebee
waan kuguu riyooda!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Inaanyahoow ruucli iyo orood
kugu radshaay aniguyoo
wuuxuu urkuu raboo afkaa lagaama reebee
waan kuguu riyooda!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

waan kuu dalaay radiiskaagi weey weey weey
waan kuu dalaay radiiskaagi yeey yeey yeey

Qalbiigi kuu racaa reysaan wayaay oowga
iigaa daa rog roogashaada
Huuno
Qalbiigi kuu racaa reysaan wayaay oowga
iigaa daa rog roogashaada

Raayi yaari dumaarkaa
iguu wacaan raafaadkoo
inaan kaan rabeey anigu
haadaalkii kareebtoo
kanaa reysaan wayee

waan kuu dalaay radiiskaagi weey weey weey
waan kuu dalaay radiiskaagi yeey yeey yeey

Qalbiigi kuu racaa reysaan wayaay oowga
iigaa daa rog roogashaada
Huuno
Qalbiigi kuu racaa reysaan wayaay oowga
iigaa daa rog roogashaada



this song is 4 qaniisyo ee maha love song :arrow:

and ur the one with milyeen names not me .

wadaniweyn1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2325
Joined: Wed Mar 28, 2007 10:39 pm

Re: One of the best love songs!!!!!!!!

Postby wadaniweyn1 » Thu Apr 03, 2008 2:35 am

Maxamud Saleebaan Xirsi






Habar Jeclo - Solamadow

qurjiile

Gabaygan wuxu Abwaanku ka tirshey colaadihii dhex maray HJ iyo Qurjiilaha oo ay taageerayeen Gaasas Ciidanka Qaranka ah oo Aabbahoodii labaad ee Afweyne ugu deeqay. Gabaygan oo uu abwaanku tirshey 1982-kii wuxu dhaboobay 1991 markii ay dhacday wixii uu saadaalinayay markuu lahaa

Dhalanteedku waa waxa caruur baday dhan eegaade
Hadhoowbaa dhibiilaha tashigu dhiiqo kaa geliye
Hadhoowbaan dharreecida malkhabad dhoorka kuu sudhiye
Hadhoow baad abtoow iga dhin iyo dhihi warkaagiiye
Nabad nagu dhaqaay iyo la iman odayo dhaadheere

Gabaygaas wuxu abwaanku ku bilaabay sidan;

Dhawaanahanba waataanan tirin dhaantadii gabaye
Ma dhudhuminin maansooyinkii dhumucda weynaaye
Ma dhaafine waxaan damacsanaa inan war dhuugaaye
Marse haddii dadkii dhoohanaa dhedadu ii keentay
Ma dhursugo'e waa inan naxwaha ugu dhaqaaqaaye

Dhalanteedku waa waxa caruur baday dhan eegaade
Ku dhanqalante meel milicahoon dhiri ku oollayne
Dhufaan rarey ah waa lagu yaqaan dheeha roorsiga'e
Isba kuruska dhaabmaa hodiyo dhibida bawdyaaye

Hadba qaalimmada waw dhunshaa dhuurta doogga lehe
Dhudhubaha gahaydha leh wuxuu dhiriqda saydhaaba
Dhurwaa ba'an haddii lagu sallido dhimasho qoodeeye
Ma dheereeyo goortay durduro dhagac ka siiyaane
Kolka uu halbawlaha dhuftee dhuumatada gooyo
Dhuunyeedhis mooyee ka samir tamaro sii dheere
Halkaasaa waraabuu dhigaa kaga dhammeeyaaye

Adiguna dhiggiisaad tahay, iyo Dhoodi oo kale'e
Weligiin dhulmahantoow afxumo dhaha ma deysaane
Dhengadaana waa u cabbantiin sida dhabeeleede
Mar ka ay belaayadu dhacdee talo dhanaanaato
Hadhowbaa shimbiro dheelayaa dhiillo kuu noqone

Hadhowbaad Dhilaalliyo ka qaxi goobki dhererraaye
Dhurdihii Marqaan iyo hadhoowbaad Dhacar ku noolaane
Hadhoowbaad abtoow iga dhin iyo dhihi warkaagiiye
Nabad nagu dhaqaay iyo la iman odayo dhaadheere

Hadhoowbaa dhibiilaha tashigu dhiiqo kaa geliye
Hadhoowbaa raggii dhereggu hodey dhoobbi ii noqonne
Hadhoowbaad ratiga dheeliyiyo dhaanka ii raraiye
Hadhoowbaad kabaa ii dhabdhabi dheguhu hoolmeene

Hadhoowbaad dhufaysyada burciyo weelka ii dhiqiye
Hadhoowbaad riyaha iigu dhigi dhoofka waxareede
Hadhoowbaad dhamiijada ka guri naylihii Dharo'e
Hadhoowbaan xammaal kaaga dhigan taagan dhoobada'e
Hadhoowbaan dharreecida malkhabad dhoorka kuu sudhiye
Hadhoowbey dharbaaxada ilmadu dhaax ku gobo'layne

Afartaa dhammeeyee waxaan hore u sii dhaafshey

Maandhoow dhul lama maagi karo dhagaxyo jiifaane
Maandhoow dab lama sii dhex galo dhuxulo waaweyne
Maandhoow tog lama dhaafi karo daad ku soo dhacaye
Maandhoow libaax looma dhaxo meesha dhawrta lehe
Maandhoow Yaxaas laguma dhego miciya dhaadheere
Maandhoow Abeesada dharqada looma dheelmado'e
Maandhow dhayali looma maro dhuunta miinada'e
Oo maandhoow maroodiga dhabta ah looma fool dhigo'e

Dhasha reer Isaaq waad taqaan dhiirri iyo xooge
Weligeed gob loo dhaartay waa dhega adaygtaaye
Hadday dhirifto waa lagu og yahay dhac iyo duullaane

Jabhadaa la dhuray iyo sengaha dhabarku weynaaday
Dhallinyarada loo tababaree sidata dhawr qaadka
Hubka dhacaya Taangiga sidii dhibicda loo keenay
Ninkii dhimanayiyo waxan ogeyn dhaaftidii madhane
Bal an dhawro maalmahan danbay dhibi ku haysaaye

User avatar
BABYGIRL123
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5273
Joined: Mon Jul 09, 2007 12:09 am

Re: One of the best love songs!!!!!!!!

Postby BABYGIRL123 » Thu Apr 03, 2008 2:36 am

Maxaa ika dabaa dhigaay :!: :?: :?: :roll: :roll: :roll: :roll: :roll: :roll:
cajiib this a love song by fartun birimo called ruclo adaa heshaaa khaniisintaa taqaane meel laa donoo gedyahoow dabda jilicsaan.

love song here open a thread for your hate awoowga la guubye and its probably gabaay awoowga lagu dilay khaniis.
Last edited by BABYGIRL123 on Thu Apr 03, 2008 2:38 am, edited 1 time in total.

manxee
Posts: 165
Joined: Thu Feb 14, 2008 12:07 am

Re: One of the best love songs!!!!!!!!

Postby manxee » Thu Apr 03, 2008 2:37 am

Nayaa iam not who you think dont mistake other people

User avatar
BABYGIRL123
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5273
Joined: Mon Jul 09, 2007 12:09 am

Re: One of the best love songs!!!!!!!!

Postby BABYGIRL123 » Thu Apr 03, 2008 2:39 am

adna maxaa kuhaaya naarta gale acuudubilaah najeeyna baan idi iri ha i cuniina. :roll:

wadaniweyn1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2325
Joined: Wed Mar 28, 2007 10:39 pm

Re: One of the best love songs!!!!!!!!

Postby wadaniweyn1 » Thu Apr 03, 2008 2:41 am

Xalleef

Habar Jeclo - Axmed Faarax

Baroor (Haye)


Xalleef, Eebbe ha u naxariistee, wuxuu gabaygan ka tirshey dagaalkii Dhulmahante lagu wiiqay 1983-kii ee ka dhacay "Haye". Dagaalkan abwaanno aad u badan oo hayb walba leh ayaa ka gabyey, tixdanna wuxuu abwaan Xalleef kaga warramayaa badraddii (Adyadii) loola yimi Habar Jeclo iyo baqihii iyo baroortii lala guryo noqday:

Basharyohow la dagay geesahaad, bayr ku leedahaye
Buushbaa wadnaha kaaga jira, baydad goonniyahe
Waa waxa bahdii kaala baxay, beer kiraysaniye

Maxaad Baabullaha aar dharaar, ugu badheedhaysey
Niman beer libaax liqay maxaad, buud u maqashiisay
baruurtaada goosha ah maxaad, bahalaw siisay

boqnahaaga seedda ah maxaa, bir u dhaweynaayey
Maxaa bawdyihii kaa jebshey, iyo biixiyii dhabarka
Baqtigaaga wadhan Raydabdhuub, ba'e maxaa geeyey

Ma baraarugteen Baynaxoow, baadi baad tahaye
Ma ninkii bilaa guursadaa, bigil idiin qaaday
Ma Baan baa laguu furay dorraad, booligii qaranka

Badarkiyo Galleydii miyaa, idinla buurraaday
Diintii miyaa uga baxdeen, baahidii sebenka
Ballankii miyaa oofiseen, Baadariga Roma

Ma billaahidii baad gubteen, baalashi Quraanka
Badrad iyo ba'naan iyo baqdini, maydin baabi'isay
Ma burburay barbaar iyo raggaad, biiriseen dhimaye

Bilcilkii Haye ee Aadan Carab, baqa ku dheeraaday
Balli-Lebile, Heegalahay, beden ku foofaysey
Bogga laba-Fariid-yare waddada, baasha kaga taalla

Banka Qudhac-Dhallaan iyo halkiyo, Buruci Goosaalle
Illaa Boodda dheeriyo Marqaan, Bowdka Lebi-weyne
Baalidhaye Illaa Toommo iyo, barasankii hawdka

Bogga Goray jidbaaliyo badweyn, laanta bacaroorta
Bohol iyo Kulaaliyo xadeed, ilaha Beerweyso
Baalweyne iyo Daarseyiyo, taniyo Booc-Yeyle

Bashka Ceelafweyn iyo dhulkii, belelku qiiqaayey
Bananka iyo aydaba markii, weerar lagu baadhay
Buuhoodle iyo laasku waa, baraq nuglaadeene

Beelaa Dhulmahantoo dhanbaa, laga baroortaaye
Habarwaa bayuurbaa ku taal, aan bogsi lahayne
Bootaan shirshoorii hadduu, bacadka jiifaaye

Burdihi Taleex waayadii, booge kuugu reebye
Maantana cirkuu kuula baxay, beretenkiisiiye
Shaydaan buraanlaynayaa, babaca kuu saarye
Batarkii Ibleys baad cayaar, bilicle mooddaye

Biya aad cabtaa kuu sanqadhay, badalli roorkiiye
Idinkiyo Bukaasaba cidlaad, dad uga baaqdeene
Bilaash baysu raacdeen addoon, bar isma dhaantaane
bakayle iyo Galaw baan rafiiq, baafiya lahayne

User avatar
BABYGIRL123
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5273
Joined: Mon Jul 09, 2007 12:09 am

Re: One of the best love songs!!!!!!!!

Postby BABYGIRL123 » Thu Apr 03, 2008 2:48 am

Gabay: Goobjoog

----------------------------------------------------------------------

Gabaygan Abwaanku waxuu tiriyey dagaalkii ka dhacay Tuulda Haye ee Habar-gusjecladu Degto, ilaa gowlalaale ilaa balidhaye,waa dagaalkii sida maqal mareegaha loo furay reerka Birta looga aslay Adan carab naxariistii Ilaahay ha siiye uu dagaalkaas raga abaabulay ka mid ahaa Dagaalkan Gabayo badan baa laga tiriyey, iyago oodhana waan soo galin doona, Adan carab waxuu yidhi :-


Codkiisuu bogtaa aar haduu coodi loogsade'e
Habeenkuu cashada deeqda helo camal higoodkiise
Cartankiyo jibaadkaad waxuu cunay ogaataaye
Anaguna caraad baan aqaan caawa oo kale'e
Cuud iyo hadaan goobtii helay amase ciilbeelay
Warku how cadaadee bal maan caalamka u sheego
Inkastoonba curadba u ahay inaan canaan qaado
Colka oo duulan maalintii hadii la i caleen saaray
Cimrigiisu nin uu dheeryahoo caarif aan ahaye
Waa lagu casali baan is idhi caana waad tahaye
Caqligaan ka fiirsaday tashiga kii u cidhib roone
Waxba nolosha lama caabudee ceebta ma ilaashay

Kolse hadaanan caafiyad dab iyo ciidan tabanaynin
Casar iyo inaan duhur wax galo caariyaan bidaye
Waa caado tuug galab in aan ceelka weeraro'e
Ma cadceeda oo soo baxdeybaan cudud idiin sheegtay
Cadadkeeda guutada miyaa samada caad fuulay
Ciir iyo habaas qudha miyey dunidu cowlaatay
Markii caara dhuubtiyo la riday saban cabaadaaya
Shinbiraha cidoodiyo jugtii fule ma cayntaaray
Ma caraystey qaaraan dhulkaba cagaha saaraynin
Geesiga dagaalka u cinbaday ciidhe ma utoogtay
Cirka lama marshee shiishka hoos ma ugu wada ciirshay
Ma ku culay buntukhu dhowr gu'buu naga cabaysnaaye
Midna looma caaline sidii cawsha ma useenay
Caydiga ma laynee nin raga caymo ma udiidnay

Cuqli waalid waa ubadka kaca waalidka cisayne
Caanaha hablahayaga kuwii soo cabaye nuugay
Ee lagu canqariyaa iblays soo cawaansadaye
Iyagaa cashiirada na baray loo cariigsado'e
Casar iyo miyaa garashadii lagu caqiibeeyey
Nin kastoo calaacalay miyaan ugu calool daacay

Dhaaxaa kufrigu caawiyee nagu cadaadsheene
Ingiriis carow waana kii cawda loo jaraye
Ma cidlaan ka helay gaalo aan lagu cabanaynin
Waa taan cadaadaye timihii iga ciroobeene
Ku mana caar guduudeyn xinaha lagu caseeyaaye
Sidii ciistihii hore miyaan dhiiga ku cilaantay

Haye waa carada ay dhawaan nagu cidhiidhyeene
Caasimada hawd buu noqdiyo cadan yartoodiiye
Isagoo camiran baa doraad la igu caasiyaye
Kun calaamad laan soo dul dhigay oo cadaawaha'e
Bal inay cawaan wuxu yihiin malo caruureed leh
Dhar cagaaran iyo mood wixii guriga ceegaagay
Ilaa cadayna kama qaadanino weys cajabiyeene
Carwaan mooday subaxdii markii ay nooga carareene
Ma ku caranay awrtuba dhirtay caasha marisaaye

Gobaa culuse nabadii tolkay u cidi jiidaayey
Waa taa intaa caarideen cunaha taagteene
Intaan duul indhaha kor u calaqay hoos usoo celiyey
Ee aan cidaadaha ka dhigay soona cigan weyday
Cilmi iyo rag taariikh watoo caaqilaa furiye
Cali daalin iyo baa na garan coomirka isaaqe
Cashuun baan jabshaa habarjecloy duul cantarahaye
Hadaan maanta calankii qabsaday ceelka laga taagay
Cajaladaa naloo soo diraa cunugu keenaaye
Carabkii qoyani waa hadlaa hay canjalafayne
In cadaalad sheekadu gasho baan kaa codsanayaaye

Afartaa cayaartii libtiyo ka cukanaantii dheh
Cumar iyo markay Samatar gabay nagu casuumaan dheh
Cawl iyo gu'goo cirir ku jira curashadiisii dheh
Bal aan waliba kama caajisee caarada u saaro

Casaawiirta nimankii lahaa boqolka cayn cayn ah
Ee idin cadaabee banaan idinka cayntaarshay
Jeereey wadaad caabudeen cuqabadoodiiye
Waa taad cagaag iyo kuraha ku cadibnaydeene
Ee aad sengaha cal iyo buur kaga carceerteene
Cariskaba hadaan idin tusay aad ciir ku lulateene
Nabsaa curiyey cayn iyo nugaal inaad ku ceeshtaane
Canjilka iyo sinaantuba waa cawri aadane'e
Iminkana fufkii baa cigtayo soo cawaal baxaye
Marka inaan cashuurtiyo dhibkii dib u cusbooneeyo
Yaa faras camuudaa ka badan loo carbinayaaye

Cabdi maahir jeeskii dhalaye coodinleba qaatay
Cibraanka iyo sanbuur kaan lahaa cuna tigaadiina
Waxba yaan canbaarayn dar aan ciidanba ahayne
Dadka qoloba cuurbow tashoo la ictiraafaaye
Reer yusuf ciid kuma sugayn caydhiskii shalaye
Carootigii subax nimay na carcarsheeyeene
Goortaan carcooriga hadhkii dirir cusbooneeye

Waatay calfahii iyo qubeen kabo carbeedkiiye
Celiyaayda fiigaha miyaa caato nagu reebtay
Ku waa caayayee eray xun sow kama cadhoon waayin
Ma cabiidshay ina kaahin baa loo cimaamadaye
Cawaday anoo nool hadii aan calaftidaa gaadhay
Markan soo cimraysiyo xajkii u citiqaad ma'aha

User avatar
BABYGIRL123
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5273
Joined: Mon Jul 09, 2007 12:09 am

Re: One of the best love songs!!!!!!!!

Postby BABYGIRL123 » Thu Apr 03, 2008 2:54 am

Gabaygii: Ha-Karaamo-seegina
...........................................................................................
Maamulkii Ingiriiska ee Gumaystaha ahaa ayaa waxuu go'aamiyey in geel laga soo dhaco "Reer Faarax Hagar" Arintaas cududa ciidanka Gumaystaha lagu meel-mariyo iyadoo loo adeegsanayo kuwii askarta u ahaa beel ahaana ka soo jeeday ISAAQ/ IIDOORKA.Ciidankii soo duulay oo laga digniin-helay ayaa waxaa fooda is daray ragii geela lahaa oo uu Aadn -Carab Hormood u yahay Askartii ingiriiska halkaas baa looga adkaaday geeliina looga dhacsaday!

Dagaalkaas Adan-Carab wuu ku dhaawacmay gacanta midig ayey xabadi kaga dhacday , sidaa loogama hadhine isagoo dhaawac ah iyo dhawr nin oo kale dagaalkaasna ay ku wada jireen ayaa la qabqabtay, waxaana lagu xidhay Xabsiga Burco.

Wali iyaga oon la xukumin ayey xabsiga ka baxsadeen,kuna soo noqdeen rugihii horeba loooga qabtay iyo hawdkii ay geeleeshoodu joogeen.Adan-Carab oo gacani u Shakaalan tahay kolkii uu reerihii ku soo laabtay ayaa dadka qaarkii wax layaab leh ku noqotey.Waxay filayeen in uu xabsiga ku raagi doono ama la dili doono ayaa qolyo reer Burco ah jeclaana in la soo sheego geerida Adan_carab una jeellanaa dhibka Adan carab isla dhexmareen Adan Dhimay!!! markaas uyuu gabay u marshay isagoo u sheegaya in uu Nool yahay iyo wacdarihii uu gaystay si dulmarna u tilmaaya Tixdan dhamaadkeeduna Somalidu ku Hal-Qabsato waxuu Yidhi:-


Gaalkaa Kismaayiyo ka yimid koonfur iyo Jowhar
Kiis tuugo oogada intuu nagaga kooreeyey
Kolanyiyo bileys nooma dirin kelebta waaweyne
Kuukaayadii buu na sudhay koodhadhka xumayde

Anna kiin xukumayaan ahaa koos dhan oo idile
Kala saajin bay soo diriyo kaabul ma aqoone
Konton qaaddiyo uustar-gaab kidha intaan qaatay
Ma kammi'ine shiishkaan sidii kaamil-koor ridaye
Kabnigaygu diid maalintaas kararra'-ceebeede
Aniga midii lay katibay layla kulansiiye!!!

Kalka iyo markii gacanta midig keybku iga gaadhey
Kun qolaa jeclayd inaad xabaal igu kisaysaane
Kelmadaan lahaa baa dadkii ii kohsanayaaye
Kasgaabka iyo shisheeyuhuna way karin lahaayeene

Inkastoo kitaab iyo quraan la igu `kow' siiyo
Kabcadii horteed inaan dhintaa kaafka kuma taale
Anay kibisi ii nooshahaan laasan kadabkayga
Ha karaamo seegina habaar laygu kari waaye!

User avatar
BABYGIRL123
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5273
Joined: Mon Jul 09, 2007 12:09 am

Re: One of the best love songs!!!!!!!!

Postby BABYGIRL123 » Thu Apr 03, 2008 2:57 am

Gabaygii: Murtid weeye
...........................................................................................
Lib-ku-faanka iyo ku-dhaadashada guusha maalintaas reer hagar usoo hooyatay ayuu
dib ugu noqonayaa isagoo tirada ay laayeen ku faraxsan dhalinyarad ku guubaabinata in uu u leyn doono muqadimiin lagu ilaawi karo dilkii Ina Cige iyo Xaajigii

Adan carab gabaygan uu ku xusayo mar rag Safar reer hagar ah 1935 Awr ka soo rartay magaalada Berbera ay jidka u galeenrag Muusa cabdalle ah ay damceen inay safarkaasna dhacaan dagaalkaas jilibka baa la isu aasay ragii safarka ahaa iyo qolyahii Musa cabdalle


Ciidankii muse cabdalle ayaa waxay galeen marinka Shiikh ciidankaas waxaa Abaanduule u ahaa nin la oidhan jiray Cabdalle AfguduudColkaas dhamaantood waxay ahaayeen habaryoonis,Musa cabdalle waxay doonayeen Hubka iyo waxa Awrta saaranba inay dhacaan hase ahaatee waa male khasaareen.Goobtii maalintaas oo Qaras-gooy loo baxshay waxaa ku Adkaaday Nimankii Dhulbahante Reer Hagar Ciidankii wadada u galayna waxay ka dileen rag faro badan oo uu ku jiro Abaanduulihii Cabdalle-Afguduud safarka laftigiisu ma nabad gelin oo waxaa dagaalkii kaga dhintay rag dhowr ah sidaa darteed waxaa safarkoodii loo baxshay markay Hawd tageen Axan-side


gabaygan waxa kale uu ku xusayaa Adan caran Meesha la Yidhaa Harawaati ee Qorilugud dhinaca waqooyi ka xigta mar Ingiriisku usoo diray Ciidan habaryoonis ah oo uu
hogaaminayo Nuur-guunn ay halkaas ugu yimaadeen reero Adan Hagar ah oo damceen inay geelal ka dhacaan Halkaasna Lagu dilay 14 nin oo uu ku jiro Abaanduulihii Nuur-Guun,markaa gabaygan waa dhaadasho waxuuna ina dareensiinyaa libinta usoo hooyatey waxuu Yidhi:-


Mufti wuxuu hadlaa goor cilmiga loo muctaad yahaye
Jeeroy masalo oodantoo maaro laga waayo
Oo meher haween iyo xaqoo mururgsan loo keeno
Muqniga looma soo furo su'aal aan micne lahayne
Anna waxaan mastuuroba kolkuu gabaygu ii muuqdo

Ee aan maroorsado lib aan la igu muunaynin
Ee muusanow ii baxaan midho ka sheegaaye
Markaasaan makaabka u koraa ceelka maaxda ahe


Maadhiinka waxa geelayaga loogu madhinaayey
Ee tii mar-curad loo gartiyo ugubka loo miidhay
Ee maydabtii loogu qubay sumuca maaroobey
Maan-laaweyaashaan ogaa inay na maageene

Habaryoonis Reer Hagar makiyo mooday xaramkiiye
Malabkiyo jannada dhiigagayagu uga macaanaaye
Annagiyo Makaahiil u file muruq-tagoogeede
Laakiinse moogeysi baan muranku dhaafayne


Ku margade hadday mihindiseen muudasadoo liqa'e
Abraahiin maliid iyo ku noqoy mur iyo waabay'e
Waxay Barina kaga maagayaan waa masiibada'e
Marqaan kama sokeeyeen haddaan moosku caabbiyine!


In kastaan malyuun iyo hal reer la isu miisaamin
Mayalkaan wax kula qaybsadaa waa mintidayaaye
Umana mohanno Daarood inuu noo muraarado'e
Madaan ahay xigaalkayna waa maadhan oo kale'e!


Miyigiyo magaalaba dilkaa dunida maansheeyey
Malahayga Harawaati baa ugu mar weynaaye
Muusa Cabdallena goosan baa marinka Shiikh yaale;
Imminkana marxaladdaasi waa guul munaasiba'e


Iyagoo macaash naga hayiyo mudaneyaashiiba
Oo aan col maamuli lahaa meel fog ugu duula
Oo aan masaafiyo jid dheer wax u maleegaayo
Oo muuseyaal doonayiyo manida Caynaanshe


Illaahii kuwaan meerin jirey soo masaafuriyey
Oo soo muquunshaa iska leh mahadda koowaade!
Gaadaha maleegane la yidhi magac ha soo hooyo
Iyo beel marriyo loo akhriyey weliba mawliidka


La midiidin labadaa ilaah kuu la meel yahaye
Nimankaa waraabaha mirdhaa cunayo meydkooda
Misir lama dhigeen shalay hadday naga maqnaadaane
Mawd iyo xaq baa Qarraro yidhi soo maraanmaro'e

Awel bayna maandaah dhashiyo mudho kaxaysteene
Malkaday ka qaadeen halihi macawis loo saarye
Raggana kaan maqaayaha ahayn maal ku baayaca'e
Haddaannaan makaline aanay ool maqasha daaqeeda


Murtad weeye reer bayna fiid miri lahaayeene
waxbaba yay matalin Xaajigiyo madawgi dheeraaye
Rag la mida maqaamkiina guda ama maqaawiirta
Iyaguna maruun bay imaan madashii Caymeede
Manjo tiro ku gaadh uma qalmaan mudaneyaashiiye!

wadaniweyn1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2325
Joined: Wed Mar 28, 2007 10:39 pm

Re: One of the best love songs!!!!!!!!

Postby wadaniweyn1 » Thu Apr 03, 2008 2:59 am

from a dooro to a qurjille :) :) :) :)

Idinkaa dalkiinii u huray Habar-Xabuusheed dheh

Hambo raacin mooyee horaad uga hagaagteen dheh
Garaad Faarax goortay hojeen haatan ma ahayn dheh
Hanan weyde ceelkii Badweyn haradi Ceel-dhaabe

Ka huleeshe heelkii dhexiyo haatan Caynaba e
Nimaan Habar-jecliyo Muusayaal ugu hagaagaynin
Inuu dhagaxa hoos uga dagaa haniyan weeyaane

Nimankii Nugaalba hantiyee hurinta loo waayay
Iyagaan u hawlgelin kuwii habacsadee qaatay
Maantay halyaygii dileen Hagar u noolaa dheh

Habwanaagsanow Ina-Camey halanqihii moosh dheh
Haad iyo waraabaa qabsaday halabki dheeraa dheh
Waxaa haanka loo jaray inaan hali u diidayn dheh

Dadku kala hannaan quruxsan oo haybad kala roone
Haldhaa kacay la moodyow markuu hab u taxaashaayay
Haashaashka laafyaha markuu hagac ka siiinaayay


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: Bing [Bot] and 9 guests