Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

One of the best love songs!!!!!!!!

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
KeligiiJabhad
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 939
Joined: Mon Oct 22, 2007 8:38 am
Location: TURMO

Re: One of the best love songs!!!!!!!!

Postby KeligiiJabhad » Thu Apr 03, 2008 2:59 am

What is with the poems asxaabta?
I thought the title was about a certain song.....

wadaniweyn1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2325
Joined: Wed Mar 28, 2007 10:39 pm

Re: One of the best love songs!!!!!!!!

Postby wadaniweyn1 » Thu Apr 03, 2008 3:00 am

Axmed Aw Muxumad

Arab Sh Isxaaq


Mawd qarsoon

Nin Qurjiile ah oo gabay-canjilka yaqaan ayaa intii aan colaaddii "Haye" dhicin ku buraanburay erayo ay ka mid ahaayeen.
iidoorka qalalaasayoow qaata amarkayga

Markii dagaalkii dhacay ee guutooyinkii Afweyne, Dhulmahante iyo Daaroodkii ay cagaa ku wateenba dhawr jilib oo HJ ahi cagta mariyeen ayuu abwaanku gabaygan tirshay isagoo tixraacaya buraanburkii ninka dhulmahante oo malaha markuu arkay in hubkii iyoo Ciidamadii Qaranka lala hareer taagan yahay ku naalooday in uu guul aanu ab u lahayn hantiyi karo. Waxa caddaatay in inkastoo Daayeer uu Habar-Dugaag oo dhan shiriyo oo wuxuu tab iyo xeelad hayaba madasha keeno inuu sed Libaax sun ka yahay. Waxay arrinkani ina xasuusinayaa gabaygii Abwaankii weynaa ee Maxamed Nuur Fadal uu lahaa;
Bulbulloow Libaax iyo Dawaco boower kala roone
Haddii uu bulxamo Aarku waa bili cuslaadaaye
Waxan nahay rag lagu beegi jirey boqol ninkoodiiye

Abwaanku wuxu gabayga oo arartiisu aysan dhammayn ku bilaabay sidatan;

........
Meeshiyo anoo qaydleh baan qaari ku ahaaye
Qalin-duurrayaashaan afxumo qaladba moodeyne
Qurux maleh nin caytamay sidii dumarka qaarkiiye
Iga qoro qasiidooyin baan kuu qaddimayaaye

Aduunyadan qaskiyo weerarkiyo qaxarka loo uumay
Ee qaboowga loo diiday ee laysku qalanaayo
Ninkii gelin qadeeyaba waqtigan qoolka gelinaaya

Waataan qabkaagii ku idhi yuu qar kaa ridine
Waataan qasaaraha ku idhi qoorta haw dhiganne
Waataan xumaan kaa qabtiyo qoomihii hore'e

Waataan cajlado kuu qatimay waano qiiro ahe
Waataan hawada qaadday idhi qaaradaa mariye
Qasdigaygu waa tuu ahaa nabadda qiimeeye

Naf uu qaamudkeedii galaan qabarba faallayne
Raggii qayladaadii ku kacay waakuwaa qubane
Haddaa meydku qadawgii bixiyo qariyey dooggiiye

Waakaa qalfookii Hayiyo, Qararro yaalyaalle
Imikaa dhurwaa qawdhamiyo haadku qodayaaye
imikaa qaxootigu Nugaal sii qulqulayaaye

Dhallaan qayladii waxa la yidhi waa qaboonada'e
Waayahan qalaadkii dhinte iyo korisu qaadkiiye
Wadnihii na qayraamin jirey waa qufulateene

Qosolka iyo haasaawihii kuma qaxwaysaane
Ma qafiiftay Uusloow adaa huriyey qiiqaase
Ma qatallantay waatii Siyaad iilka kuu qoday'e

Ma qunbacatay goortii warkoo qoran laguu keenay
Ma qandhootay geerida markaad gelisay qoyskiinna
Ma qayirantay maantaan tolnimo kula qalloocnayne

Ma qiyaastay noloshaa qabteen qaalinnimadeeda
Ma qiirootay waa lagu lumaa kibirka qaarkiise
Ma ka qooftay nimankaad lahayd qaata amarkayga

Ma qadderisay waa mawd qarsoon qaranka reer shiikhe
Qusurkaba adaan gaadhin iyo badaha qooqaaya
Qaxarka iyo kibirkii miyaa kaa qadhqadhinaaya

Qalalaasaahaagina miyaad qaadi kari weydey
Jeerooy Qunbuladuu dhacaan laysma qaaddimine
Qira gaabnidee sowdigii col u qalqaalaayey

Qudh la gooyo iyo dhaawac iyo maal la kala qaado
Qardoofadu rag waw soo taxnayd taniyo Qaabiile
Qammuunyada ilkaha iyo dibnuhu waa qashiinnimo'e

Nin xumaan qoday caadki tahay qoomamiyo ciile
Qabtii Samatar galay waadigaa qoobka soo dhigaye
Haddaad gacan-Libaax qaad is tidhi quusashaa xigiye

Ninkii Qaanso iyo leeb filanayoow qabarki weynaaye
Sunta qaraxday ciiddiina waa qori madoobaade
Waxba yay is qoosaalintii ila qadhaadhaanne

Haddaa nabaddi aad quudhsateen qiimo leedahaaye
Qaraabiyo abtiga waa kolkaa qiran ogeydeene
Maxaan kula qabtaa waatanoo qulubtay Uusloowe

wadaniweyn1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2325
Joined: Wed Mar 28, 2007 10:39 pm

Re: One of the best love songs!!!!!!!!

Postby wadaniweyn1 » Thu Apr 03, 2008 3:04 am

this one is from another dooro to ur qurjiile ppl :P :P :P





GUBA

Qamaan Bulxan, (OG)

Gabaygan wuxuu Qamaan Ugu jawaabay Cali Dhuux oo bilaabay tixda GUBA la baxday.
Eeg Gabayga CaliDhuux

Ma demmaniye deynkayga waan dabagelaayaaye
Idinkuba darkii Caynabaa deris ku taalline
Dagaallama nin doorkii la laa duubcaddii Hagare
Ama na daaya waa wada qabnaa daawashiyo ceebe :D :D :D :D :D :D

wadaniweyn1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2325
Joined: Wed Mar 28, 2007 10:39 pm

Re: One of the best love songs!!!!!!!!

Postby wadaniweyn1 » Thu Apr 03, 2008 3:07 am

Xaaji Cabdi Kariim M. Cilm

Habar Jeclo - Aadan Madobe

Siikaawe

Gabaygani wuxu ka hadlayaa dabargoyntii "faqashta" iyo dib-ka-naaxyada daba dhilifka u ahaa ee ku hodmay hummaagga Daaroodism-ka ee dalkii Somalia la odhan jirey lagu burburiyey. Wuxu gabaygu si gaara u tilmaamayaa jilibka Dhulmahante la yidhaahdo oo ku hantaaqmay haadaantii uu Afweyne uga tallaabsaday kuna hoobtay hadimadii ay la damacsanayeen Habar Jeclo oo taariikh ahaan ku guntaday dhawr jeer oo ay qabiilkaa yari xabaal qarka u saarmeen. Gabaygu taariikhdaas ka sokow wuxu taabanayaa halaaggii cuskaday qolyihii uu hoday hororkii Garbahaarrey ee Afweyne Barre.


Sa'da gabayga suugaan haddaad xaraf ka saanqaaddo
Ama aad sarbeebtiyo naxwaha sadar ka liishaanto
Runta lalama seegiyo halkuu suura ku ahaaye
Suaashaan dhugmada kuu lahayn waad ku saxataaye
Ragbaa arar-subbeehida yaqaan oon sagootiyine
Gartana laysma siiyoo marbaad surinka weydaaye
Hayeeshee sangaabtiyo tixday salawday laabtaydu
Aan xalay saqdii dhexe mirtee saaqay madaxayga
Anigoo sardhada nuugayaa sookac lay yidhiye
Hadba aniga oo somman bay ii sallaxantaaye
Senge iyo Baroor xoodanoo Saynax iyo Bood leh
Markaasaan sitaaciyo warmaha nadiga saaraaye
Markaasaan saqaafaha korjoog suugha ku eryaaye
Markaasuu Sarmaantiyo kobaha Sarinka gooyaaye
Markaasuu ku soonnaaniyaa beel surmo u taalle
Markaasaan Sakaallaha furtaa subax ku baadhaaye
Markaasuu sawaxan geylamaa Saawi golaheede
Markaasaan Samaadeey xeryaha kaga safeeyaaye
Markaasuu sutida leexiyaa saacad iyo dhawre
Markaasuu sibraarkiyo cabbaa Suusac iyo dhay'e

Afartaa silsilad gaara iyo sogordah waayeel dheh
Adduunyadan sikiiraha dhigtaye samada loo guuray
Markaan deyey sansaankiyo Laxaha, Sanaca taariikhda
Aan deyey sannadihii gudbiyo sulufka qiiqaaya
Aan deyey waxyiga soo socdiyo saaka waxa jooga
Minka Faalku soo saaray waa saxalki Daaroode
Sooraa gudduutay iyo Cimruhu, Seerihii dhige'e
Salmuhuu Gurracay baan arkaa, Sigay Faraaciine
Anoo hadalka meel kula socdaan qaar ku sahaydaaye
Sunbaygiyo Curraafkaan hayaa waa Siciid jabay'e

Teeriyo sabaan Nuux intii seedka la afuufay
Sahwi kama baxdaan iyo inaad suruc gadooddaane
Saryankaydin dhaamiyo ugaadh socota waadaale
Hadba sarac go'iinniyo dhunkaal baad sandalataane
Wadaadkii saraayaha dhigee, Saaxirku halleeyey
Suufigii BahGeri waydinkii Saayirka lahaaye
Subax qudha markii reer Taleex salabka loo qaaday
Kumanyaal xakamihii sitaa haadka loo solaye
Sagaar dabadka waatay noqdeen soobirkii Gorode
Sargabyada caruurtiyo marbaad suunka dubateene
Sakhir baa geyiga aannu naal Saatir kuu dhigaye
Wax dhaaxaad sudaha reer Isaaq samo ku joogteene
Wax dhaaxaa safraha reer garaad Saaxil loo diraye
Mariyihii Sibbaaqiyo lahaa seynabtiyo luulka
Subeeciga Siyaakhiyo Dhaclaha, Suufka la xijaabto
Satiyada dhibaadda ah gabdhaha, Saaqa iyo Qaali
Yarad-siinta saaxiib-cunkiyo, saacidkiyo loogga
Sandaqa iyo Siin-raac gobeed, saami iyo gaafow
Wax dhaaxaad abtiyo Seeddiyoo, saas ku rarateene
Salka lagama dhaacawo, halkay sagabtu kuu taalle
Saboolkiinna nimankii korshaad, Sede ka raacdeene
Sirqadii danteeda oggol, baad buro ku siisaaye
Sarsarrida waxaad kaga jabtaan, sudhaya Daaroode
Sodcaal iyo tolnnimo kaa fogbaad, sare u waabteene
Sibraar baad ku badhax qaadateen, aan sidde lahayne
Sandareero iyo dheefyarbaad, saac ka dhigataane
Marna talada kama saadisaan, say hadhoow noqonne
Saddexadiyo Kaymaha markuu, sagalku doogeeyo
Sayax dheregga waad leedihiin, seben barwaaqaade
Saxan-saxada lagu mayracaa sogobku baaqaaye
Soobaan-Garwadi baad tihiin, Seylo roob helaye
Soddon-guuradii dawladdaad suxulka leefteene
Kuwii Darayga soognaan jiraa suuq-madow helaye
Surwaal iyo haddaydiinku hora, saacad iyo Shaale
Haddii badow caqligu seemmanyay suudh cad lagu taago
isagaan Salaaddiyo sharciga, siin ka garanaynin
Salbac-kibirka xaajada hadduu saailka abbaaro
Durba waxad saluugtiyo gefkuu libinta siiyaaye
Ragna haddaad salleelle u gashaan sababi kuu geynin
Sedo lagama raadshiyo inaad saayirkii tahaye
Sur-taag iyo qab aydnaan lahayn baad sawirateene
Suunnaarta iyo shaarubtii la isku soohaayey
Hindigii garbaha lagu sitaye suubban lagu qaatay
Sabo gacal nin waayaa martiya, sooryo inaneede
Sarartii ciyiga loo baxshaad selel ka qaaddeene

Maahmaah raggii hore sugeen oo sax lagu sheegay
Siduu yidhi Haweenkiyo Farduhu, waa sacaadada'e
Midbaa Biliga kaa seexisoo aad ku sirirtaaye
Midna sareedo iyo bayddi baa lagugu siiyaaye
Sibro dhiigleh maantana miyay idinku saameeshay
Single iyo cudhaadh baad tihiin, saydhan meerta ahe
Sinji lagu arooriyo qabiil kuma sed qaaddaane
Hadba qolada xeegada siddaad saar u noqotaane
Sako laguma maal qaybsadiyo subag Diraaceede
Col la saaray saymaha dagaal, saydho iyo weerar
Saloogeeyda goob lagu dhintoo, Seenyo ololayso
Signal iyo caruur baaqayiyo, saanaddiyo yoolka
Sakatiga dhimbiilaha horaad suruqda jiidhaane
Saanbooli naaxdiyo kuwii Soolka laga raafay
Summad-Laawe iga hiiliyiyo, sab iyo qayrkeeda
Salsalliigtu uma beer dhigaan, sumuca reer sheekhe
Saliimkii qalbiga daahirka ah, yaannu sidannaaye
Alamtara kuwii loo sakhiray, suuradaha diinka
Sulubkiyo Shinnidi baannu nahay, Saadadii Beder'e


Siikaawiga cidhbaha gaaban, iyo Suugga idin boobay
Silcayeeyda naagaha guryaha, seexan kari waayey
Sambabkiyo Wadnaha diidayee, Soodhku idin gooyey
Safankiyo cagaa idin gubtay, iyo Suulashiyo Fayga
Saleegyaha wejiga kaa lushiyo, siigadiyo Weerka
Inay tahay Saleebaan hog-waa, saas adaa qiraye
Sarta kabaha waataa ilkaha, aad ku sidataane
Sandullaad ku amar qaadateen, samir la'aaneede
Sakal Nibiri iyo Cawjad, yaad sibiq tidhaahdeene
Simbiriirixaad ugu dhacdeen, meel Sambaatiyahe
Suryo cururuqaad ugu jirtaan, seeto godobeede
Inyaroo Suldaankii wataa, saamax loo qoraye
Sakhraan iyo Khaliif baadiye, iyo Saalax iyo Deeble
Safkii ina Buraaliyo lahaa, Suufi iyo Qaybe
Darajada Sabuuxda ah, kuwii beenta lagu siiyey
Salxaan iyo hubkii Shiish-Wanaag, Soofe iyo Morgan
Aaway Samatar iyo ciidankii, waa la sugayaaye

Sahankiyo barbaartii kacdiyo, Saajinadi qooqay
Intii inan sarkaal qaadatee, seefo lagu gaadhay
Ama wiil sarraxa muujiyee, sigic u laafyooday
Siijeed kuway ugu dhacdaye, saas u kala jeexday
Iyo qaar gacmaa lagu sidoo dhaawac sirinsiiray
Iyo qaar sinaha jiidayoo, Seedda ka curyaamay
Iyo qaar sullaacii baqaha, Samiyihii xooray
Iyo qaar siniintii arkoo, dhiig-la-socon-waaya
Iyo qaar naftoodoo suke ah, saafur lagu sheegay
Samoow Nuur Bidaar iyo raggaan, saa u garanaayo
Kuwii amarka seelseelliyiyo, meeye ina Saadle
Siraad bay ku doondoonayaan, siliglayaashiiye
Sidigtiyo bahnimadaad qabteen, waydinkii siray'e
Sacmadeeqo, Sool, iyo Karkaar, sabarka Buuhoodle
So'da Dogoble, meeshiyo Sarmaan, sediyadii Dhooddi
Darantii Sifaarkiyo lahayd, suugadiyo Dhuurta
Sanqadh laguma oga dawyadaad, saakin ku ahayde
Salsaal baa ku dhacay reerihii, sixintu dhoobnayde
Xaggan seegte meel kalena, way kaa silloon tahaye
Sanbaa Libaax baa fadhiya, soonihii Xamare
Surrad baa dhextaal buundadii, webiga saarrayde
Irir iyo Sagaal maanta waa, sun iyo deebaaqe
Siddeed iyo Ajuuraanna waa, kaa siqsiqayaane
Sabuulkooda nimankaa cunteen, yaa sammaamuraye
Beerihii siyaaxiyo lahaa, Saakow iyo Waamo
Samsamkii shabeelkiyo Markee, sahalka loo qaatay
Sintii Curuba iyo Baar Taleex, waa sallaan dumaye
Inaad Booli-Qaran seexataan, haw siddiiddiyine
Safrad bay la dulug lee yihiin, sibirya dheertiiye
Sagag iyo waddada Ceel-Garraa, kuu sokeeya ahe

User avatar
BABYGIRL123
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5273
Joined: Mon Jul 09, 2007 12:09 am

Re: One of the best love songs!!!!!!!!

Postby BABYGIRL123 » Thu Apr 03, 2008 3:10 am

Gabaygii: Daandaansi&Mowd
...........................................................................................
Nin ,Reer Cali geri ahaa, ayaa dhoobigii geeliisa raaci jiray oo reer ahaan ka so jeeday habar-jeclo ayuu burco ugu tagay meel aan sidaa uga fogayn deedna ku yidhi war geeliiwaa dhallee usoo caano doono, Dhoobigii baa ugu jawaabay gaalada Ingiriiska bana u shaqeeyaa oo geel danbe raaci maayo, markaas baa Tooray uu watay iska soo gooyey oo ninkii halkii ku dilay oo iskaga dhaqaaqay. maalmo ka dib ayaa Cali Dhuux burco safar ku yimid deedna nin la odhan jiray Cilmi Dalamiye oo Turjubaan Ingiriiska u ahaa oo Habar Yonis. Musa care ahaa ayaa ku dacweeyey Gaaladii Gumasyataha Ingiriiska una sheegay bibka wax dilay iyoCali Dhuux inay isku beel yihiin dilkii Dhoobiga habar jeclana loo qabto Cali Dhuux maadaama inaadeerkii Dilka gaystay, markaas baa Cali Dhuux gabaygan tirshay Waxuu yidhi:-

Waa diin ladahay Dalamiyow ima duqaysayne
Dadka Igama maagteen u siman Dir iyo Daaroode
Duunyadayda lama raadiyeen dayn anoon qabine
Dusha igama saarteen Midgaan dilay Abaankiiye

Dhir dalaysan diib iyo cilaan daahiriyo wayso
Hablaha oo dariirad iyo cadar dam isku soo siiyey
Ayuu darmo kula jiifsadaa labana duugtaaye
Duhurkuu dhamaa caanogeel duqusna way yaale

Duub weyn intuu soo xidhoo dahab cas qaataaye
Deeqdaa ILLAAH siiyey iyo dunida jeexeeda
------ ugu duulee yahay inuu dayso laga waaye
Dabro weerar dooyo rogaal dil iyo laystaanyo

Weyskaga diyaar reerkayaga dirir colaadeede
Aniguna sidii dooxataan dibada meeraaye
Dirkaan ahay darbadihii nin ogi ima duurxulo'e

Waa daandaansi iyo mowd waxuu i dalbanayaaye
Digniin miyuusan qabin aadka hore doqonsanaa ruuxu!!

wadaniweyn1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2325
Joined: Wed Mar 28, 2007 10:39 pm

Re: One of the best love songs!!!!!!!!

Postby wadaniweyn1 » Thu Apr 03, 2008 3:24 am

Maxamud Saleebaan Xirsi






Habar Jeclo - Solamadow


Guul


Gabaygan wuxu ka mid ah maansooyinkii laga mariyey dharbaaxooyinkii Qurjiilaha, Daarood iyo Faqash oo dhanba ka gaadhay "Haye-yaasha". Waxa "Haye" isku haleelay halyeeyada HJ jilibbo ka mid ah oo Reer Yuusuf (Reer Daahir) ugu horreeyo iyo Dhulmahante uu abaabulay daaquudkii weynaa ee Ina Dafle oo maalintaa loo bixiyey INA DUUFLE. Waxa Dhulmahantada ka horreeyey oo taageerayey Gaas dhan oo ciidamadii qaranka ah iyo Jabhaddii Shiish-Wanaag oo ay rasaasta damceen inay isaga dhigaan. Dagaalkaas waxa Dhulmahante lagu raray hub aanay weligood arkin qaarkiis taasaana keentay inay hubkii oo aan xabbad laga ridin ay intooda badani ka cararaan waana maalintaas markay baxday kelmedda "Axmedoow Dhici waa" oo ay uga jeedaan in hubkii dhici waayey. Colaadaas iyo kuwii la waqtiga ahaaba waa kuwa ay ku riiqdeen Dhulmahantaha reer oodeed oo intaan dagaalkii weynaa ee 1988-kii dhicin iyagu is dhiibay oo ammaan qaatay. Ragga Afweyne eersaday ee isku ciil-kaambiyey colaadaas uu daaquudku u sahamiyey waxa ka mid ahaa Maaweel nin la yidhaahdo oo nimanka la karbaashay ka soo jeeda gabayna ku yidhi (isagoo Afweyne la hadlaya):

Dayac waxan ku kowsaday markaan kuu dabbaaldegaye
Durbaankiinni waa eednay iyo daba-galkiiniiye
Diihaal Allaa baday nimaa daawo dhigataane

Waxa qosol leh in ayagoo sida ninkaasiba sheegay qiranaya in boqollaal wiil saanad la leefsiiyey, inay qaar ka mid ah Qurjiilayaashu ku faanaan inay Haye ku libaysteen. Wuxu Maxamuud gabaygiisa ku bilaabay


Nimanyohow gabaabsiga adduun, gelinba waa cayne
Gabbal-daye sidiisay wejiga, kuu gudgudubtaaye
Oo waa xidid gun dheeriyo, bad aan laga geyoonayne

Waa geli habaasliyo, dugsiga aad ku gama'daaye
Oo waa godan abaariyo, nimcada guriga kuu taalle
Iga gura geddaan ku arkay waan, idin garwaaqsiine

Adduunyadan gariirtaye jidkii, laga gawaan raacshey
Adduunyadan ninkii gocasho qabay, gole ka faanaayo
Adduunyadan ninkii ciil guntaday, libin ku geeraaray

Adduunyadan ninkeedii gardaran, lagu gargaaraayo
Adduunyadan ninkii godobta qabay, garab la siinaayo
Ee laga gabbaanaday kuwii, gudan lahaa aarka
Gu' ma jirin ninkii taa waqtigan, godol ka eegaaye


Gaaraabidhaanliyo Xalxalis, godammadii Eegi
Garanuugle, geedkii Yamays, Qararro geesteeda
Gadhsanduuqle, aydii Gabree, Goodir miranaysey

Goosaale iyo Tuurwareen, gudubka Heegaale
Gammuunnaale, Gaxadhkii Marqaan, gurigi reer Jaamac
Garloogubey, Gallaaddi iyo Bookh, taniyo Gaaroodi

Iyadoon degmadu kala go'nayn, guguna hooraayo
Oo xeerka lagu giijiyey, oo aqalku gawdiido
Oo guunyadii wada dhashoo, gorofka loo qaaday

Garaad ma leh illeen Tawraddaad, gacalka mooddeene
Gurboodkii Siyaad maalintuu, gulufka soo saaray
Ee Gaasku nagu soo baxaye, weerar nagu gaadhay

Galaayuuska qaylada markii, la isku gooraamay
Gef ma yeelno ceebtana illeen, waa ka gubannaaye
U gadoodnay sidii Aar Garduur, loogu soo galaye

U galgalannay geeshkii Burma, iyo gedihi Baarliine
U gumaadnay weligey sidaan, kuu gumayn jiraye
Ugu gabaynay hawl yari, dhib waa galabsanaayeene

Sidii geel dibjirey oo Libaax, guudka kaga boodey
Markii aannu kala goosannaye, gobolba meel aaday
Gaashaanlayaashii markii, gawda laga saaray

Gaadiid markii laga furtaye, guuldarradu raacday
Gardarrada qayaxan reer tolkaa, kama gaboobaane
Iyagoo Giriinoff sitiyo, qoriga gaagaaban

Waatuu gadaal nagaga yimi, duulki reer Gobore
Annana meel haddii laysku galo, guusha nala siiye
Oo goolkaannu kaga laadanaa, gulucda koonaaye

Ku garaacnay maadhiin gigliyo, gumuc rasaaseede
Gacan sooma taagine baqay, gabax ka siiyeene
Gahaydhliyo waxaa loo eryadey, Goda dushoodiiye

Habqankiinnu waatuu ku galay, orodka Goofweyne
Gawarkii badhaa laba Hayuu, gudurki yaallaaye
Oo waa gabannadiinnii kuwuu, gigay waraabuuye
Guurti iyo waxay kaa dileen, gabadh-cas wiilkiiye

Cabdillaahi Golos baan halkaa, kaaga gawracaye
Gacmayare dhashiisii iyana, haadku gabasleeye
Goonyaha waxaa kaga qallalay, geesh kaloo badane
Nimankii gantada dheer lahaa, laga gol roonaaye

Afartaa daruur gaaxattiyo galalacdeedii dheh
Onkod galaba, Jibin goohday iyo garasho waayeel dheh
Gurxankii Salaan iyo naxwii Guniyo-Baareeg dheh

Gundhiddin(1) iyo Cali Jaamac(2) iyo giinki reer Fadal(3) dheh
Gahayr(4) iyo sidii Yawle(5), iyo gabaygi Laanjeer(6) dheh
Googgaartankii Daallin(7), iyo gedihi Baabuur(8) dheh

Gammuutiyo(9), Buraaliyo(10) Xalleef(11), amase Gaagaale(12)
Gantaalaha kuwii Baashe Weled(13), oon la gaasirin dheh
Sidii geesigii Faarax Nuur(14) waw gelbinayaaye

Markuu gaalku naga dhoofayee, Yurub u guuraayey
Ee aan gumeysiga ku nidhi duubo gogoshaada
Kolki calankan guudkeenna sudhan golaha loo xaadhay

Gundhigeeda Garab-saar-dabtii hanad(15) ku geeraaray
Ee buugga saani u galaan gaar u leeyahaye
An gorfeeyo wiilyohow hidduhu guuri kari waaye

Markii laydin gooyaye dibnaha gawska lagu ruugay
Guntashadi labaad waxad is tidhi waad abaal gudanne
Galaydh iyo gurkii ciidamada guluf daraawiisha

Giddigiiba Daarood markii laysu wada geeyey
Gudmo iyo tumaalaha markii gamaska loo dhiibay
Ee ay gaadhka tiradiisa guud gololo kuu sheegtay

Gudguduudka waaberi markaad guratay baaruudda
Lixdii guuto eed nagu gasheen gaadmo iyo weerar
Ma gabbado halkuu reer isaaq gaban ka joogaaye

Ma siddeetan wiil baa guboo gaardi ku ciyaaray
Ma marki wisiisigu galaad godadki hayn weydey
Warankaa ku guulaye si kale ugama guurteene

Imikaa siyaad gucanayaa geeshu soo diraye
Gedo bahal ka soo haajiriyo Gaanni kuu taliye
Garbahaarrey iyo caynabaadan garan mid kuu dhow'e
Wax ka guro dhibkaad galabsataa gaadhay reeraha'e

Gobki Qararro goobtii ahayd, Galawgi fooryaayey
Galley iyo Bariis, maal wixii gurada kuu yiilley
Gidhligaan, Garnayl iyo Madfaca gaadhi lagu jiido

Berkedii biyaha laga guraye Gaasta lagu kaydshey
Ku guddooney maantaa halkaa gumaradiinniiye
Gam ka siinnay guulwade kibriyo gucufle Daaroode
Wax ka guro dilkaad galabsataa gaadhay reeraha'e

Waataa dhulmahantoow gasheen gaadda ka cayaare
Haddii deriski garabkiinna yiil taniyo goor dheerba
Guubaabadii ina Dafliyo kibir idiin geeyey
Geeridu inay iman miyaan cidi ka gaashaaman

Waa maxay galiilyada jidhkiyo gibil madoobaadku
Oo waa maxay col baad soo gurtee dibu garmaamayntu
Waa maxay ilmada gobo'le iyo go'ayda noo yeedhaye
Garaad daranidee sow wax

wadaniweyn1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2325
Joined: Wed Mar 28, 2007 10:39 pm

Re: One of the best love songs!!!!!!!!

Postby wadaniweyn1 » Thu Apr 03, 2008 3:47 am

Dagaalkaas waxa Dhulmahante lagu raray hub aanay weligood arkin qaarkiis taasaana keentay inay hubkii oo aan xabbad laga ridin ay intooda badani ka cararaan waana maalintaas markay baxday kelmedda "Axmedoow Dhici waa" oo ay uga jeedaan in hubkii dhici waayey. Colaadaas iyo kuwii la waqtiga ahaaba waa kuwa ay ku riiqdeen Dhulmahantaha reer oodeed oo intaan dagaalkii weynaa ee 1988-kii dhicin iyagu is dhiibay oo ammaan qaatay.



:lol: :lol: :lol: :lol: :lol: axmedoow dhici waa :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol:

User avatar
BABYGIRL123
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5273
Joined: Mon Jul 09, 2007 12:09 am

Re: One of the best love songs!!!!!!!!

Postby BABYGIRL123 » Thu Apr 03, 2008 3:49 am

Arap kaashegeysid yaa yaqaan adan carab gave him one sentence laama hadloo laangaab arap ah same to you xayawaan jaceyl song dagaal ubadaalay :arrow: :arrow: :arrow:

wadaniweyn1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2325
Joined: Wed Mar 28, 2007 10:39 pm

Re: One of the best love songs!!!!!!!!

Postby wadaniweyn1 » Thu Apr 03, 2008 4:00 am

BABYGIRL123 wrote:Arap kaashegeysid yaa yaqaan adan carab gave him one sentence laama hadloo laangaab arap ah same to you xayawaan jaceyl song dagaal ubadaalay :arrow: :arrow: :arrow:




who occupies who mantaa :?: :lol:

User avatar
BABYGIRL123
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5273
Joined: Mon Jul 09, 2007 12:09 am

Re: One of the best love songs!!!!!!!!

Postby BABYGIRL123 » Thu Apr 03, 2008 4:18 am

Xabsade iyo waxaa racsaan xiniiyoohooda kuu faan marnaa ingriis kuu faan naag baa ileen tahee dhiig dhulbahante oo dataa laa didaayaa mahanee walee in separatist movement cari dhulbahante nabood ku joogten.

wadaniweyn1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2325
Joined: Wed Mar 28, 2007 10:39 pm

Re: One of the best love songs!!!!!!!!

Postby wadaniweyn1 » Thu Apr 03, 2008 4:53 am

BABYGIRL123 wrote:Xabsade iyo waxaa racsaan xiniiyoohooda kuu faan marnaa ingriis kuu faan naag baa ileen tahee dhiig dhulbahante oo dataa laa didaayaa mahanee walee in separatist movement cari dhulbahante nabood ku joogten.





you can afka all u want :) but we know wat the truth is and the truth is ur ppl and land is occupied me and my ppl :D

wadaniweyn1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2325
Joined: Wed Mar 28, 2007 10:39 pm

Re: One of the best love songs!!!!!!!!

Postby wadaniweyn1 » Thu Apr 03, 2008 5:06 am

naaya beenta joojiya :) snm historina beenta ka daaya .





http://jidbaale.com/fullpage.php?cayn=rayi&sscid=5917

wadaniweyn1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2325
Joined: Wed Mar 28, 2007 10:39 pm

Re: One of the best love songs!!!!!!!!

Postby wadaniweyn1 » Thu Apr 03, 2008 5:20 am

Qabsashadii Laascaanood Jabhada SNM Waxay Lasscaanood Haysataa: 170 days 21 hours 49 minutes 57 seconds



buhoodlemedia.com :lol: :lol:

User avatar
Faisah
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2841
Joined: Sun May 16, 2004 7:00 pm
Location: Dhuusamareeb Iyo Damasheeda....Xamar Dusheediyoo..Guriceel Daawo Dacalada!

Re: One of the best love songs!!!!!!!!

Postby Faisah » Thu Apr 03, 2008 6:43 am

wadaniweyn shame on you :lol: you shouldnt be arguing with girls. somali men these days :shock:

User avatar
Basra-
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 49034
Joined: Mon Feb 16, 2004 7:00 pm
Location: Somewhere far, far, far away from you forumers.

Re: One of the best love songs!!!!!!!!

Postby Basra- » Thu Apr 03, 2008 8:34 am

[quote="BABYGIRL123"]http://www.sclub19.com/music/song.php?id=1833

:rose: :love: :rose: :([/quote]

Baby that love song for fatties! :lol:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: Bing [Bot] and 9 guests