Page 1 of 2

MY UNCLE DIED SICIID MEYGAAG SAMATAR INALILAAHI WA RAJICUUN

Posted: Thu May 08, 2008 12:27 pm
by The_Emperior5
Boga Tacsida ee Gudoomiyihii ururka SOPPRI Dr Marxuum Siciid Maygaag Samater
Written by Qarannews
May 08, 2008 at 03:41 PM













Dhamaan bahda shabakda qarannews, meelkasta oo ay caalmka ka joogaan gudo iyo dibadba, waxa ay tacsi tiiraanyoleh u dirayaan dhamaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Ilahay ha u naxariistee gudoomiyihii ururka Sopri, Dr Marxuum Siciid Maygaag Samater oo ku geeryooday shalay Magaalada Auckland, California - USA.

Marxuunka oo ahaa halyay qaran isla markaasna ahaa rug culus oo ka baxay dhamaanteen waxa lagu xasuusan doonaa hawlihii iyo wax qabadkii uu u gaysan jiray dalkiisa iyo dadliisa marxuunka oo ahaa gudoomiyihii ururka SOPRI, oo ka mid ah ururada ugu baaxda weyn ee ka hawl gala aqoonsiga iyo qadiyada Somaliland, ayaa marxuun Siciid waxa aynu ku xasuusan doonaa in uu ahaa halyay qaran isla markaasna ahaa nin aad u jecel nabada iyo horumarka Somaliland, waxa uu marxuunku ahaa qof ku dadaala uguna booriya madaxda Somaliland mucaarid iyo muxaafidba in ay gacmaha is qabsadaan oo ay goob isugu wada yimadaa si la isu waydaarsado sidii dadka iyo dalka Somaliland loo horumarin lahaa isla markaasna aqoonsi buuxa loogu heli lahaa .

Hadaba waxa aanu tacsi khaasa u diraynaa dhamaan reerkii qoyskii iyo qaraabadiii iyo ururka SOPRI, ee uu ka baxay marxuunku waxa kale oo tacidaasi aanu gaadhsiinaynaa dhamaan shicibka reer Somaliland ee nabda iyo horumarka jecel, marxuunkana waxa aanu ILAHAY uga baryaynaa in uu naxariistii jano uu ka waraabiyo.

Dhamaan ururka SOPRI, oo ay xubin aad u mihiim ahii uu ka baxayna waxa aanu u rajaynynaa in ay halkii ka sii wadaan dadaaladoodii iyo himilooyinkoodii oo runtii aynu urur iyaga oo kale ah aad ugu baahnahay

Amiin

Re: MY UNCLE DIED SICIID MEYGAAG SAMATAR INALILAAHI WA RAJICUUN

Posted: Thu May 08, 2008 12:28 pm
by The_Emperior5
TACSI KA SOCOTA MADAXWEYNAHA SOMALILAND

Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay Marxuum Siciid Maygaag Samatar oo ku geeriyooday Dalka Maraykanka

Marxuumku waxa uu qayb weyn ka soo qaatay Ololihii Aqoonsiga Somaliland iyo Mashaariic badan oo uu ku taageerayo Waxbarashada Somaliland.

Marxuum Siciid Maygaag Samatar waxa uu Gudoomiye ka ahaa Ururka SOPRI oo kaalin weyn ka qaatay u sahlida Somaliland ee xidhiidhyada Dibada.

Madaxweynuhu waxa uu ilaahay uga baryay inuu Naxariistii Jano Ka waraabiyo , qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Aamiin. .................... Aamiin...................................Aamiin

Alla Mahad leh

Siciid Cadaani Mooge

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland

Re: MY UNCLE DIED SICIID MEYGAAG SAMATAR INALILAAHI WA RAJICUUN

Posted: Thu May 08, 2008 12:29 pm
by The_Emperior5
Tacsidana waxa diraaya gudoomiyaha xisbiga Kulmiye

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Ahmed Mohamed Siilaanyo, isaga oo ku hadlaaya magaciisa, kan Xubnaha Xisbiga iyo Taageerayaashaba, waxaa uu tacsi u dirayaa guud ahaan shacbiga S/land, isaga oo uga tacsiyadaynaya Geerida naxdinta leh ee ku timid MARXUUM SICIID MEEGAAG SAMATAR, oo habeenkii xalay 07/05/2008 ku geeriyooday cariga Dalka Maraykanka. Marxuunku waxa uu ka mid ahaa xubnihii doorka mihiimka ah ka soo qaatey dib-u-heshiintii iyo Nabadayntii Beelaha Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa uu tacsi taas la mid ah u dirayaa MARXUUM CABDI IBRAAHIM WARSAME (INA IBRAAHIM WAQOOYI), oo shalay 07/05/2008 ku geeriyooday Magaaladda Hargeysa. Marxuumku waxa uu ahaa Badhasaabkii hore ee Gobolka Togdheer.

Guddoomiyuhu waxa uu si gaar ah Tacsidaa ugu dirayaa Qoyskii iyo qaraabadii ay ka baxeen Labada marxuum, waxaana uu ilaahay uga baryayaa inuu Janadii fardawsa ka waraabiyo, ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxeena samir iyo iimaan ka siiyo.

INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN
MD. AHMED MOHAMED SIILAANYO
GUDDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE

Re: MY UNCLE DIED SICIID MEYGAAG SAMATAR INALILAAHI WA RAJICUUN

Posted: Thu May 08, 2008 12:29 pm
by Advo
adiga everybody from ur qabiil is your uncle, even hellie salaasi is ur uncle and the nigga is raw meat eating xabashi.

Re: MY UNCLE DIED SICIID MEYGAAG SAMATAR INALILAAHI WA RAJICUUN

Posted: Thu May 08, 2008 12:30 pm
by FAH1223
Verily to Allah we come from and to Allah is our return.

Re: MY UNCLE DIED SICIID MEYGAAG SAMATAR INALILAAHI WA RAJICUUN

Posted: Thu May 08, 2008 12:36 pm
by The_Emperior5
Advo wrote:adiga everybody from ur qabiil is your uncle, even hellie salaasi is ur uncle and the nigga is raw meat eating xabashi.



WALAHII hooyaday adeerkeed weyeeee i saw him in 2004 in london at my mums brothers house aabtiyo
siicid meygaag samatar furre camir ayuun samatar mumin xasssan celli cabdalle sacad muse super awal

Re: MY UNCLE DIED SICIID MEYGAAG SAMATAR INALILAAHI WA RAJICUUN

Posted: Thu May 08, 2008 12:37 pm
by The_Emperior5
ilahay haa uu naxariisto he had to sons and they never reached the 20 yet

Re: MY UNCLE DIED SICIID MEYGAAG SAMATAR INALILAAHI WA RAJICUUN

Posted: Thu May 08, 2008 12:42 pm
by xidigow
Inaa lilaahi waa inaa ileyhi raajicuun. Saciid Maygaag Samatra of LA? Man I used to know him when he used work for city of LA. AUN, Indeed he was great man..ALAHA JANAT UL FARDOOS UGU BISHAAREEYO....Aamiin

Re: MY UNCLE DIED SICIID MEYGAAG SAMATAR INALILAAHI WA RAJICUUN

Posted: Thu May 08, 2008 12:49 pm
by ciiseguure
Alaha u raxmado, He was a great man, I knew he was a sick for a while, We missed him in LA.

Re: MY UNCLE DIED SICIID MEYGAAG SAMATAR INALILAAHI WA RAJICUUN

Posted: Thu May 08, 2008 12:51 pm
by SahanGalbeed
Waryee Emperior , ma taqaan mid ilmo reer maygaag ah oo Holland joogi jiray oo gabadh muuse cabdalla ah ku guursaday Hargeysa 96 ama 97-kii ?

Re: MY UNCLE DIED SICIID MEYGAAG SAMATAR INALILAAHI WA RAJICUUN

Posted: Thu May 08, 2008 1:31 pm
by LiQaaye_TDH
Ilahay ha uu naxariisto isaga iyo waxi Muslin ah... amiiin

Re: MY UNCLE DIED SICIID MEYGAAG SAMATAR INALILAAHI WA RAJICUUN

Posted: Thu May 08, 2008 2:47 pm
by The_Emperior5
SahanGalbeed wrote:Waryee Emperior , ma taqaan mid ilmo reer maygaag ah oo Holland joogi jiray oo gabadh muuse cabdalla ah ku guursaday Hargeysa 96 ama 97-kii ?


walaga yaabba inkastow 1996 haan fatatiirta ku ciyaarii jiiray iyo sega mega drive
waa aabtiigay

Re: MY UNCLE DIED SICIID MEYGAAG SAMATAR INALILAAHI WA RAJICUUN

Posted: Thu May 08, 2008 2:49 pm
by The_Patriot
Is he cisee maxamud?

Re: MY UNCLE DIED SICIID MEYGAAG SAMATAR INALILAAHI WA RAJICUUN

Posted: Thu May 08, 2008 3:15 pm
by The_Emperior5
are you mad I said he is my uncle anyway ilahay haa uu naxariisto

Re: MY UNCLE DIED SICIID MEYGAAG SAMATAR INALILAAHI WA RAJICUUN

Posted: Thu May 08, 2008 5:02 pm
by SahanGalbeed
Edited, check your pm Emperior