Cabudwaaq. 17. May .2008. (Sh.M.Network)- Ciidamo Ethiopian ah ayaa odayaal dhaqameedyo Somalia ah ka kexeeystay dhulka Ismaamulka Somalida Ethiopia kuwaasi oo aan la ogeeyn halka ay ula dhaqaaqeen.
Howlgalkani ay ciidamada Ethiopianka ka sameeyeen deegaano ka Tirsan dhulka Ismaamulka Somalida Ethiopia ayaa waxaa ay ku kexeeysteen in ku dhaw 15 oday dhaqameedyo kuwaasi oo laga kala aruuriyay deegaanada hoos taga dhulkasi gaar ahaan Yamaarugle,cilaanle iyo Dhuuban iyo tuulooyin Fara badan oo ka Tirsan dhulkasi.
Lama Oga Sababta ka Danbeeysay ee Ciidamada Ethiopianka ay u ka xeeysteen odayaashaasi waxaana la sheegay in lagu xiray degmooyinka Galaadi iyo Wardheer ee dhulka ismaamulka Somalida Ethiopia.
Qaar ka mid ah ila wareedyo laga helayo Dhulka Ismaamulka Somalida ayaa shegaya in howlgalka ay ciidamada Ethiopianka ka sameeyeen halkasi isla markaasina ay ku kexeeysteen odayaasha ay ka danbeeysay kadib markii odayaashaasi lagu farmuqay ciidamada Ethiopianka.
Mid ka Mid ah odayaasha Dhaqanka degmada Cabudwaaq oo ka mid ahaa wafdi u socday deegaanka Galaadi isla markaana isku dayay in ay kala Xaajoodaan Ciidamada Ethiopianka sidoo loo sii deeyn lahaa odayaashaasi oo shabelle u waramay ayaa sheegay in aysan ka war heeyn sababta ka danbeeysay arintasi.
Waa howlgalkii ugu horeeysay ee ay ciidamada Ethiopianka ku kexeeystaan odayaal Somalied oo gaaraya tiradaas kana Mid ah wax garadka ku nool Dhulka Ismaamulka Somalida Ethiopia.
Shabelle Media Network.Somalia.
http://www.shabelle.net/somali/2008/05/ ... ka-ismaamu




