Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

JEBERTIS FORCED TO CELEBRATE 18 MAY SOMALILAND LASCANOOD

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

JEBERTIS FORCED TO CELEBRATE 18 MAY SOMALILAND LASCANOOD

Postby The_Emperior5 » Sun May 18, 2008 9:51 am

Kuwa U Adeegaya Maamulka Hargeysa Ee Ku Sugan Magaalada Laascaanood Oo Dumar Iyo Dhallinyaro U Xidhxidhay Maxaad Magaalada U Nadiifinaysaan


May 18, 2008 By:Jidbaale.com

Laascaanood (Jidbaale.com) Markii ay ardayda dugsiyadu u soo dareereen xuska maalintii qashin gurka ee 18ka May, kuwa u adeegaya maamulka Hargeysa waxay isku dayeen inay cudud malateri u adeegsadaan sidii ay isu hor taagi lahaayeen kacdoonka ay shacabka magaalada iyo ardayda dugsiyaduba ay ku doonayeen inay maalinta qashin gurka, inay ku nadiifiyaan wadooyinka magaalada qaarkood, hase ahaatee kuwa u adeegaya maamulka Hargeysa markii ay awoodi kari waayeen inay is hor taagaan waxay miciin bideen inay dumarkii iyo carruurtii xidhxidhaan.



Sida la rumaysan yahay ilaa hada waxay xidheen sagaal qof oo isugu jira dumar iyo dhallinyaradii iyagu iskood isu abaabulay, isla markaasina doonayeen inay maalintaasi si weyn u xusaan, magaaladana intii itaalkood ah ay ka nadiifiyaan qashinka, hase ahaatee arrintani waxay argagax iyo quusba ku riday kuwa deegaanka u dhashay ee iyagu doonayey inay maamulka Hargeysa iskaga iibiyaan cabudhinta shacabkooda.....

Tallaabadan ay shacabka ugu xooga sheeganayaan waxay cadaynaysaa sida aan maamullkaasi looga rabin magaalada Laascaanood, sidaasi waxaa yidhi 'Mid ka mid ah kuwa u adeegaya maamulka Hargeysa, balse u dhashay deegaanka'....

Waxaa kaloo ay wararku intaasi ku darayaan in ay ilaa haatan doonayaan inay soo qabqabtaan kuwii iyagu hawshan abaabulkeeda iyo isku dubaridkeeda iska lahaa, waxaana ila hadaa muuqanaya dareeno ka dhashay is hor taagan iyo cabudhinta lagu la kacay shacabka isu xilqaamay nadiifinta magaaladooda...

Wixii hadba ka soo kordha kala socda jidbaale.com

Jidbaale.com

User avatar
QansaGabeyle
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14164
Joined: Wed Feb 27, 2002 7:00 pm
Location: Beled Xawo, Somalia
Contact:

Re: JEBERTIS FORCED TO CELEBRATE 18 MAY SOMALILAND LASCANOOD

Postby QansaGabeyle » Sun May 18, 2008 9:52 am

maalintii qashin gurka ee 18ka May


Hahaha. That is too funny. :lol: :lol:

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: JEBERTIS FORCED TO CELEBRATE 18 MAY SOMALILAND LASCANOOD

Postby The_Emperior5 » Sun May 18, 2008 9:55 am


User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: JEBERTIS FORCED TO CELEBRATE 18 MAY SOMALILAND LASCANOOD

Postby The_Emperior5 » Sun May 18, 2008 9:56 am

Waxaa markii ugu horeysey su wayn looga Xusay Laascaanood maanta sanad guurada 18 May ee Gooni isu taaga Jamhuriyada Somalialnd

Laascanood,(Qarannews)-Munaasabadan oo aad u balaadhan ay waxaa soo qaban qaabiyeen Maamulka Gobolka iyo qaybaha Shacabka ee magaalada Laascaanood,xafladan ayaa waxay ka dhacday Guriga Gobolka halkaas oo ay indhahaygu qabanayeen Dhalinyaro,Dumar iyo Masuuliyiin ku labisan Calamka Somaliland iyo Astaamaha Qaranka.
Waa markii ugu horeysey oo laga xuso Gobolka Sool sanad guuradan gooni isu taga Jamhuriyada Somaliland,meelaha kale ee gobolka ka mid ah ee ay ka dhaceen Munaasabadan ayaa waxa ka mid ah Degmada Yagori,Degmada Kalabaydh,sida Dharkayn iyo meelo kale oo badan waloow xafladii ugu balaadhnayd ay ka dhacday Magaala madaxda gobolka Soool ee Laascaanood ayna ku dhamaatay si habsami ah.


Xaflada ayaa waxaa ka hadlay Masuuliyiin sarsare iyo Waxgaradka Gobolka Sool,ugu horayntiiba waxaa hadalka bilaabay Gudoomiyaha Mudane Cali Sandulle oo ka soo sheekeeyey ujeedada iyo Taariikhda 18 May,hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa waxaan aad ugu faraxsanahay in reer Laascaanood ay ka qaybqaataan Sanadguuradan 2008/05/18,Waxa kale oo isna ka hadlay Duqa Laascaanood Mudane Axmed Dahri iyo Xildhibaan Indho iyo Waxgarad kale oo badan.

Xafladahan loogu dabaal dagaayo 18'ka May ayaa ka dhacay dhamaan magaalooyinka Somalilnd, sida Hargysa oo uu madaxweyne Rayaale kala qayb galay dadweynaha reer Hargaysa iyo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee kala qayb qaatay dadweynaha reer Burco iyo gudoomiyaha xisbiga UCID oo isna la qaatay maanta xuska 18'ka May dadweynaha reer Boorama, sidoo kale waxa xaflad aad u balaadhan lagu qabtay magaalada Ceerigaabo iyo meelo aad u tiro badan oo ka baxsan Somaliland oo ay ku suganyihiin dadweyanahreer Somaliland.

Ugu dambayntii dadwaynihii ka soo qaybgalay Munaasabadan ayaa laamiga Magaalada lug ku soo maray iyaga oo mawqifkooda ku muujinaya iyo sida ay ugu faraxsanyihiin ka qaybgalka xafladan 18 may, dadka ayaa maanta lulaayay ama sitay calamada xisbiyadaqaranka ee Somaliland,UDUB,KULMIYE iyo UCID, waxa kaleoo ay lulayeen ama ay siteen calanka Somaliland, iyo waliba caleemo qoyan, xafladna ayaa ahayd tii ugu balaadhnayd ee in mudo ah lagu qabto magaalda Laascanood taasi oo dadweynaha reer Laascanood ay kala sinaayeen magaalooyinka kale ee Somaliland


Hadaba xafladan maanta ka dhacday magaalada Laascanood ma aha xaflada qudhaata ee loogu talo galay 18'ka May ee waxa jirtaxaflad aad u balaadhan oo caawa ka dhici doonta magaalada oo lagu xusaayo 18'la May, shabakda qarannews oo xafladaasi caawa ka qayb gali doonta maantana idiinka soo gudbisay xafladani kala soco wararka xaflada caawa.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 100 guests