Jariiban(AllPuntland)- Wararka ka imaanaya degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in saakay xeebta magaaladaasi uu ku soo xertay Markab la yiraahdo Victoria kaasoo kooxo burcad badeed Soomaaliyeed ay ka soo afduubteen Magaalada Muqdisho.
Markabkan oo doonayey in uu ku soo xerto xeebta Hobyo ayaa dadweynihii magaaladaasi ay diidmo xoogan ka muujiyeen iyagoo burcad badeeda heysata markabkaasi ay ku amreen in ay kala fogaadaan xeebta Hobyo iyo in ay si shuruud la'aan ah ay ku sii daayaan markabka iyo shaqaalaha saaran, taasoo ay ka door bideen burcadda in ay ka dhaqaaqaan xeebta Hobyo iyagoo la soo aaday inta u dhaxeysa Muragane iyo Xiin Dawaco.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in kooxda burcad badeeda xiligii ay doonayeen in ay ku soo xertaan xeebta Hobyo loo geeyo tasiilaad fara badan oo ay u baahnaayeen, balse laga hor istaagay, waxaana xeebta Hobyo maanta isugu tegay boqolaal qofood oo ka careysan markabka imaanaya xeebta Hobyo.
Dadkaasi maanta amarada adag siiyay burcad badeeda ayaa waxay cabsi weyn ay ka qabeen in duqeyntii ka dhacday deeganadii ku dhawaa Degmada Jariiban gobalka Mudug ee Puntland Faransiisku la beegsaday burcad badeeda mid la mid ah, walow ay socdaan wada hadalo u dhaxeeya burcad badeeda iyo xubno kale oo doonaya in si nabdoon loo sii daayo markabkaasi.
Dowladda Faransiiska ayaa wacad ku martay in ay la dagaalami doonto kooxaha burcad badeeda ee afduubka u geysta maraakiibta isticmaasha xeebaha Soomaaliya iyo badda caalamiga, waana markabkii shanaad ee mudo ku dhow labo bilood lagu afduubto Soomaaliya.
Cali Muxiyaddiin Cali



