Gaagaab " Cadde Wuxuu Lunsday 18 Bilyan Afqudhac-na 20 Bilyan
{Garoowe}25-5-08Shir ay isugu yimaadeen madaxda maamul goboleedka Puntland ayaa looga dooday meesha ay marto lacagaha soo gala maamul goboleedka iyo sababta mushaharka loo siin waayay shaqaalaha maamulka....................????
Shirkan oo daba socday shir Khamiistii dhacay oo is afgaran waa lagu kala dhaqaaqay ayaa waxaa warbixin ka dhiibay wasiirka maaliyadda ee maamulka Puntland Maxamuud Cali Yuusuf (Gaagaab).
Wasiirka maaliyadda ayaa shirka ka sheegay in uu lacag dhan 38 Bilyan oo shilin ku bixiyay amarka madaxweynaha iyo ku xigeenka maamulka Puntland Cadde Muuse Xirsi iyo Xassan Daahir Afqudhac.
Wasiirka Maaliyadda ayaa tilmaamay in uu 18 Bilyan oo shilin ku bixiyay amarka Cadde Muuse, halka 20 Bilyan-na uu ku bixiyay amarka Xassan Daahir Afqudhac.
Wasiirka maaliyadda ayaa dhankiisa qirtay in ay ku maqan tahay lacag dhan $300,000 (Sadex Boqol oo Kun oo Doolarka Mareykanka) .
Sadexda mas'uul ee ugu sareysa maamul goboleedka Puntland ayaa qirtay in ay ku maqan tahay lacag aad u faro badan xilli shaqaalaha maamul goboleedka Puntland aan wax mushahar ah la siinin lixdii bilood ee lasoo dhaafay.
WIdhwidh Online News Desk..Media Center



