Emperior markaan halkan maalin walba kolba dhinac ugu dhejinayo dhirbaaxada , nacayb gaar ah aan shaqsiyan isga u qabo iaga ma'ahee , kuwan maddaxdeena isku sheega , ayay isku aragti iyo maangaabnimo yihin
Sarkal Sare Oo Ka Tirasan Cidanka Ithopia Oo Boqosho Ku Marey Hargeysa
Taliyaha Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya oo Socdaal gaaban ku Maray Hargaysa
Hargaysa (Waaheen) Taliyaha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya Janaraal Gebre ayaa doraad socdaal gaaban ku maray Hargaysa, isaga oo ka soo kicitimay Magaalada Muqdisho, kuna sii jeeda magaalada Addi Ababa.
Janaraalka waxa la sheegay inuu socdaalkiisu ku luglahaa iyadoo haatan laga badalay Taliyihii uu ka ahaa ciidamada Itoobiya, hawshaasoo uu hayey tan iyo markii ay Ciidamada itoobiya galeen Soomaaliya sanadkii 2006, waxaana haatan jagadaasi loo magacaabay taliye cusub.
Sida la sheegay Gen. Gebre oo haatan ku sii jeeday Addis Ababa waxa uu habeen hore u hoyday magaalada Hargaysa, iyadoo amaankiisana aad loo adkeeyey.
Balse ma jiro war rasmi ah oo laga soo saaray socdaalkiisa, hadana waxa jira warar sheegaya in badalaadiisu ay ka dambaysay mushkilada ay ciidamada itoobiya kala kulmeen Soomaaliya, gaar ahaana xoogaga muqaawamada oo u diiday inay ciidamada Itoobiya gacanta kuwada dhigaan Muqdisho.
Dhinaca kale, socdaalkiisu waxa uu ku soo beegmay iyadoo Janaraal Gebre lagu daray warbixin uu tefishanka Chanel- 4 ee Ingiriisku ka diyaariyey Soomaaliya, taasoo uu sheegay in Ninka ugu awooda badan Muqdisho uu Yahay Janaraal Gebre oo xataa ay ka amar qaataan madaxda Dawladda Imbagati ee Soomaaliya, waxaanu sheegay inuu yahay Nin leh awood xad dhaaf ah.ilaa hada macadam cida lagu bedelay Janaraal Gebre.
http://www.tvsomalilandeurope.net/








