Gudoomiyaha Xisibiga UCID Faysal Cali Waraabe horta muu lahayn nin khibrad siyaasadeed oo hore leh, waxa uu ahaa muwaadin qurba jooga intii ay burburtay dowladii wadanka Somalia ka talin jirtay. Soo galiinkiisii uu soo galay siyaasaduna runtii waxa ay ahayd arin si kedis ah ku timid oo aan soo jiidamin, xisbiyadii laga sameeyay somaliland ayuu ahaa xisbiga sadexaad taas oo dadka qaar runtii ku tilmaamaan in aanu si cadaaladi ku jirto aanu xisbugu ku soo bixin oo waxoogaa musuqmasaq xaga doorashadii jirtay {cadayn hadi aad rabto eeg warbixintii Cabdilaahi Jawaanuu ku war bixiyay}.
Faysal waa shaqsi aad u fuddud oo si fuddud goaan ku qaata isla markaana si fudud isu bedela, dhibaatada kale ee Faysal lagu arkay mudadii uu ku jiray siyaasada waxa uu u muuqday shaqsi aan siinayn ihtimaam wayn wadanka baahiyaha ka jirta oo mar walba dowlada gacan saar la lahaa oo mar marka qaarkood shaki wayn kaa gelinaysay in uu xibiguba yahay xisbi mucaarada. Waxa kale oo Faysal si xaqiiqo ah loogu sheegaa in uu yahay nin caadifiyad wayni ku jirto oo runtii hadi uu uu noqdo madaxwayne aan laga filayn in uu u garsooro bulsha waynta somaliland. Waxa kale oo jirta in uu Faysal noqon karo nin wadanka somaliland dagaal gelinkara oo runtii waxbaan xasuuqayaa ama waxbaanu dilaynaa inta badan afkiisa laga maqlo. Waa shaqsi rutnii gobolka sool iyo gobolka Awdal aad moodo in uu inta badan soo dhawaysto gobolka Awdal isaga oo raali gelinaya qoska madaxwaynaha, waxa kale oo jirta in la odhan karo meeliba meesha ay bari ka xigoto wuu ka sii neceb yahay, oo aanay beelaha Hartiiga somaliland aanay isku halayn karayn ama la odhan karoba qaar ka mid ah beesha dhexe is kuma halayn karaan, Faysal waxa la yidhi so magacow xubin xisibiga u metesha gudida doorashooyinka waxa uu keenay inadeerkii iyadda oo degaankaas nin laga soo magacaabay, waxa uu ka caga jiiday in uu keeno degaamada maqan, Taasina waa tii dhaxal siisay in xisbiga KULMIYE qudhiisuna uu keeno nin degamadii maqnaaya. Hadii aad eegto dadka u metelaya xisbiga UCID golaha Walkiilada intooda badini waxay ka soo jeedaan beesha Faisal Cali waraabe taas oo ku tusaysa in aanu xisbigu dadka u sinayn.
Faysal Ali waraabe ma jecela in wadanka somaliland is bedel xaqiiqi ahi ka dhaco sabatuna waxa weeye waxa uu maalina caayaa siyaasada dowlada Daahir Riyaale maalina siyasada dowlada ayuu si idho la aanna ku raacaa. Waxa aad la socotaan in Faysal aflagaadaynaayay Xawalada dahabshiil iyada oo aynu ognahay xawaladasi sida joogtada ah ee ay wadanka wax ugu qabato oo aynu ka warhayno in ay waxka qabtay cusbitaalka Odwayne, ka laas caanood, ka Burco, jamacada hargaysa jamacada burco, dhiskii biriishka burco iyo wax qabad badan oo aan la soo koobi karayn. Waxa hadadaba isku beegmay shacado sharafkii wasiirka caafimaadka Abdi Haybe siiyayay xawalada Dahabshii iyo eedayntii qaawanayd ee faisal Cali waraabe markaa waa shaqsigaa confused ka ah.
Waxaan hubaa in faisal Cali waraabe waalida ay dowladu ku sheegtay ay wax ka jirto runtiina hadalkiisa marka aad dhegaysato waxad dareemaysaa in uu qabo cudurka postmatic stress syndrome disorder.
Markaa walidaba udaa weeye.
Oodweynenews.com





