Berbera:Qiimaha Maceeshada oo hoos u dhacay
(Oodweynenews)Berbera:Qiimaha maceeshada ayaa shalay hoos u dhacay Magaalada Berbera , ka dib markii ay dekeda ku soo xidheen maalmihii u dambeeyay maraakiib iyo doonyo sida badeecado kala duwan.
Sida lagasoo waramayo Magaalada Berbera waxa dekeda Berbera ku soo xidhay laba markab oo waaweyn iyo laba doonyood oo sida badeecado isugu jira Raashin , Bagaash, Gaadiid iyo qalab kala duwan , kuwaasi oo laga rogayo kumanaan tan oo raashin ah oo isugu jira daqiiq iyo Bariis.
Waxa la sheegayaa in badeecadahan daruuriga ah ay soo dejiyeen qaar ka mid ah ganacsatada aan hore iyagu raashinka u keeni jirin oo ay ka mid yihiin Dahab shiil iyo ilma Faarax Xarbi , waxaanu sheegay inuu raashinka qiimihiisu hoos u dhacay Berbera, isla markaana la filayo in qiimaha raashinku uu hoos intaa ugu sii dhaco Berbera Maalmaha soo socda.Waxa uu intaa ku daray in maraakiib waaweyn oo kale oo sida badeecadaha daruuriga ah inay bada ku soo jiraan.



