Afgooye: Ciidamadii lagu soo tababaray dalka Itoobiya oo afka u soo saaran iney soo galaan Muqdisho
22. Juli 2008
Afgooye(AllPuntland)-Waxaa xalay degmada Warmaxan oo ka tirsan Gobolka Sh/Hoose soo gaaray cutubyo ka tirsan ciidamada Dowladda KMG ee tababarka ku soo qaatay dalka Itoobiya kuwaasi oo ay wehliyaan ciidamo Itoobiyaan ah.
Ciidamadan oo ku hubeysan gawaarida dagaalka isla markaana ka duwan kuwii horay loogu soo tababaray dalka Itoobiya, iyadoo ciidamadan ay maalinimadii doraat dagaal xoogan ay la galeen kooxaha kazoo horjeeda dowladda xili ay soo marayeen deegaanka Leego oo ka tirsan Sh/Hoose, kuwaasi oo iska difaacay weerarkii lagu soo qaaday.
Warar aan ka helnay xubno ka tirsan Dowladda KMG ayaa xaqiijiyay in ciidamadan ay wax badan ka qaban doonaan xaaladaha amaan xumo ee ka taagan magaalada Muqdisho iyadoo howlgalada ugu badan ay ka fulin doonaan goobaha mar walba ay ka dhacaan weerarada iyo deegaano lagu tuhmayo iney ku xoogan yihiin kuwa ka soo horjeeda Dowladda KMG.
Ciidamadan ayaa qaar ka tirsan waxay soo abaareen dhinaca degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose oo xuduud la leh gobolka Banaadir, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay soo gaaraan caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho.
C.M.Cali
AllPuntland.







