
was he killed or did he die from a natural cause?
Shaki kuma jiro in ay geeridu xaq tahay,cid kastana ay sugayso,Allahna wuxuu qur'aankiisa karimka ah ku yiri? naf kasta waxay dhadhamin geerida (suuradda Aali Cimraan,aayad lambar 185),macnaha wax kasta oo nool wey dhiman Allah subxaanahu watacaala mooyaane oo isagu baaqi ahaanayo,wixii uu qofka ka tegayna wax ay u tarayso ma jiro camalkiisa mooyaane,maalinta qiyaamana waxaa la xisaabinaya camalkiisa,hadduu ahaana midkii dadka dilkooda ku faanayay,fuxshi iyo munkarna ku dhex waday cadaab baa sugaysa,hadduu ahaana qof khayr samaynayay salaaddiisa iyo soonkiisana oogayay, acmaashiisa kalena ay wanaagsanaayeen khayr buu helaya,inshaa Allah,shaqada ay imminka ku jiraana mooryaanta Soomaaliyeed haddii aysan ka toobad keenin waxay abaalkoodu noqonaysa inshaa Allah cadaabta.




