Somali Community and Relief Association Socra Somali Branch oo Xarun Quudin iyo Waxbarasho ka furey magaalada Kismaayo
Aug 01,2008
by Kismaayo-GEDO-NN
Xilli ay Kismaayo ku soo badanayaan dadka barakacayaasha ah ee ka soo Barkacay magaaladda Muqdisho oo ay xiligaan ku hardamayaan kooxaha hubeysan ee ka soo horjeedo Dowladda Kmg ah iyo ciidamada Dowladda Kmg ah iyo kuwa Ethiopia oo dhan ah. boqollaal dad ah ayaa maalin kasto soo gaaro kaamamka magaalada Kismaayo kuwaa oo aan heysan wax daryeel caafimaad iyo Mid-dhaqaalaba.
Hadaba iyada oo ay sidaa tahay ayaa waxaa Kaam Quudin iyo qeyb waxbarisho ah laga furay Kismaayo jaalidda Somali Community and Relief Association . Kaamkani oo maanta laga furey goob ay horey ugu sugnaayeen dad barakacayaal ah ayaa ah mid ay Baaxadiisu aad u weyn tahay, wuxuuna badkiisu gaarayaa 120mt Kaamkaas oo Hoy u noqon karo tiro dadka soo barakacay kuwaa oo ka soo barakacay Muqdisho iyo deegaanka Gosha oo ay dhawaan ku dagaalameen Beelo ood wadaag ah.
Si kastaba ha ahaatee jaaliyadani oo ah mid fariisinkeedu uu kuyaalo magaalada Landon isla markaana Branch ku leh magaalada Nairobi ayaa ah mid aad ay ugu diirsadeen dadka tabaalaysan ee ku jira xeryaha qootigaha magaalada Kismaayo.
http://www.gedonet.com/index.php?news=3456




