A dialogue between Sir-Luggoyo Xaaji Diini and Aba-Cali Jacfar, whose daughter's hand in marriage I am seeking for my cousin.
Sir= Haye Abba Cali, see tihiin?
AC= Waa la faayaa, adi yaa waayana?
Sir= Ani magacega waxaa la dhahaa Sir-Luggoyo Xaaji Diini
AC= Inteed naga soo salaanti?
Sir= Meel Boston la dhahaayo?
AC= Haye. Maxaa darnaay?
Sir= Horta wax dhib eh ma jiraan, Allaha naga kaalo ......
AC=Amiin
Sir= Kheer leen wadaa
AC= Haye soo deey hee
Sir= Igaarkow abowgey eh iyo gebertaada Caaliya aa is rabaan
AC= Hiih?!!!
Sir= Haa, siin kuu sheegi waaye. Gebertaada Caaliya iyo igaarkoo ila dhashti aa is rawaan
AC= Shimeey is arkeen, inteena isku arkeen, usina yaas ahaay?
Sir= Beledka ley isku arkeen, usi yaa waayena haddi khabiilkiis ad ka wadid, reer Hebelow waaye
AC= Laa xowla walaa khuwatta Illaa billaah. see camalne?
Sir= Saan camal lee waaye kow dheh, akhyaar aan rabaa inaan nii keensano oo arrintaan aan dhameeno, maxaa ka dhehee?
AC= Ma xumo. Unuka waxaan ku maahmaahnaa, wax la kasaayo gal, wax la kasaayo aa dhalee.
Sir= Haye muddo noo khabo hee oon isku imaano.
AC= Abshir waaye igaarkey, haddane bil Soon oo na soo gashiye, bacdal Soon lee ma roonoo.
Sir= Haa, saas ha noo ahaato hee, anaa ku soo wacaa markiis Soonka dhamaado
AC= Baraabar waaye. Haye Macasalaama hee
Sir= Haye Macasalaama



