Postby Adan_1 » Mon Aug 18, 2008 12:58 pm
Dadka majaajilooda waxa i cajebiyay Abwaanka loo yaqaan Aw Koombe. Majaajilo uu dhigayay waxa aan ka xasuustaa isaga oo u dejinayay una caqli celinayay qolyo Reer Xamar ah is-dhexyaacii Somalida 1960kii. Waxa uu yidhi, ( 1 ) "Ha nixina haddii aad maqashaan Reer Woqooyiga ( Somalilander-ka ) oo leh "Laxoox"! Canjeelo lee waaye! ( 2 ) Ha gambbanina ( Gaban ) haddii aad maqashaan iyaga oo leh "Soo dhacyeey ... Soo dhacyeey" ! Jaadlee ( Qaadlee ) waaye! Isaga oo tusaaleynayay in uu hadalka Somalilander-ku iska taagtaagan yahay laakiin se aanu wax naxli ah hoosta ku wadan. Nin Reer Burco ahna waxa la weydiiyay waxa uu la qayliyo marka uu hadlayo. Waxaanu ku jawaabay, "Waxba ha ila yaabina hadalka ayaa sidaas iiga soo baxa"! Bilaash xaytana waa jiraa!