Ciidamada Jubaland State Oo Sidii Duufaantii Oo Kale u Dulmaray Maleeshiyaadkii Al-shabaab.
Dagaalkii ka qarxay magaalada Kismaayo saacado ka hor ayaa waxaa jab xun loogu geystay magaaladiina laga saaray Maliishiyaadkii Al-shabaab. Cidamada Jubaland State oo xalay ilaa iyo aroornimadii saaka abaabul dagaal ku jiray ayaa awood kaga saaray gabi ahaan maliishiyaadkii Alshabaab magaalada kismaayo.
Dagaalkan oo aad u cuslaa ayaa waxeey wararku sheegayaan in qasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh loo geystay Maliishiyaadkii alshabaab ka dib markii uu ku yimi kala qeybsanaan xaga mabda'a ah oo ay u kala qeybsameen maxaakiim iyo Al-shabaab.
Lama oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhacay goobihii lagu dagaalamay balse waxeey wararku sheegayaan in uu qasaaraha badan yahay.



