Postby Goljano Lion » Mon Sep 08, 2008 12:36 am
Sulaymaan Cabdi Nuur oo ku magacaaban la taliyaha arrimaha dhaqaalaha ee madaxweynaha dawladda Imbagathi Cabdilaahi Yuusuf Axmed ayaa ku hanjabay in dawladdiisu sharciga la tiigsan doonto ganacsade kasta oo carbeed ama u dhashay dal kale oo shisheeye ah oo heshiis lagu dhoofinayo xoolaha Soomaalida oo aanay dawladdiisu ogeyn la gala Dawladda Somaliland iyo weliba maamul goboleedka Puntland. Waxaanu ninkani sheegay in dawladoodu cabasho arrintaas ku saabsan u gudbin doonto dawladda Sucuudiga, isaga oo xusay in Saleban Al-Jaabiri maxjarada uu ka dhisay Berbera iyo Boosaaso ku bixiyay 40 Milyan oo lacagta Suxuudiga ah