Postby Somalian_Boqor » Sat Sep 20, 2008 6:59 pm
Abdalla: Ethiopia Ciidda ka hor ayay baxaysaa
By Harun Ma'aruf
Washington
19-September-2008
VOA
Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM Axmed Walad Cabdalla oo VOA-Somali wareysi siiyey, ayaa shaaca ka qaaday in dhinacyada Soomalida ee ku shirayey dalka Jabuuti ay saxiixayaan dokumenti ku saabsan xabbad joojinta iyo arrimaha amniga.
Wareysigan uu siiyey Laanta Af-Soomaaliga ee VOA ayuu ku sheegay in la gaaray heshiis ah in la bilaabo diyaargarowga shir la qabto kaasi oo looga hadlayo dib u dhis iyo horumarka Soomalaiya; shirka u horreeyana waa inuu dhacaa bisha Jannaayo ee soo socota. Dhinaca siyaasadda waxay isla gaareen iyagoo gacan ka helaya odayaal halkan jooga inay horumar ka sameeyaan dhinaca nabadda.
Hirgelinta heshiiskii Djibuuti aad ayey muhiim ugu ahayd Sheekh Sharif iyo Isbahaysigiisa in la bilaabo bixitaanka Itoobiya. Taasina wax diidmo ah kama iman, ha ahaato dhinaca Itoobiya, Ra'iisul Wasaaraha DKM ee Soomaaliya iyo UN-ka sababtoo ah waxaa jira heshiis ah in la bilaabo bixitanaka ciidamada Itoobiya ee magaalada Muqdishu markii la dhiso maamul uu leeyahay gobolka Banaadir.
Wareysiga Ergayga halkan ka dhagayso