Saraak Sare OO Katirsan Dowlada Somalia Ayaa Ku Geeriyooday Hargeisa
{Hargeisa}21-9-08Waxaa ku geeriyooday magaalada Hargeysa Sarkaal sare oo ka tirsanaa saraakiisha sarsare ee ciidamada dowladda Soomaaliya.
Col. Cusmaan Nuur Cilmi oo ka tirsanaa Saraakiisha sarsare ee dowladda Soomaaliya oo isagoo xannuunsanayay magaalada Hargeysa arrimo caafimaad loogu qaaday ayaa xalay ku geeriyooday halkaas.
Col. Cusmaan Nuur Cilmi oo dhashay sanadkii 1941-kii, ayaa waxa uu ku dhashay magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/dhexe, wuxuuna tan iyo muddadii uu ciidamada dowladda Soomaaliya ka tirsanaa jagooyin sarsare ka soo qabtay ciidamada Milateriga dowladda Soomaaliya, isagoo Taliyaha Ciidamada Soomaaliya soo noqday, sidoo kalena Gobolka Waqooyiga Soomaaliya mar ka soo noqday Taliyaha ciidamada Soomaaliya, sidoo kalena jagooyin kale ka soo qabtay ciidamada.
Sarkaalkaas geeriyooday waxa uu sidoo kale ahaa Siyaasi in muddo ah arrimaha dib u heshiisiinta Soomaaliya ka soo shaqeeyay, isagoo sidoo kale ahaa Nabaddoon ka tirsanaa nabaddoonada beesha beledweyn oo wax weyn ka soo qabtay arrimaha beesha dhexdeeda ah.
Widhwidh Online News Desk...Media Center




