Dad Reer Somaliland ah oo Qarni iyo Badh ka Hor Ku Lumay Hindiya
Dadkaasi Reer A.C-Gaurds waa dad Somaliland u dhashay oo ku baadiyaysan dalweynaha Hindiya
Muddo ka badan qarni iyo badh ayaa boqortooyadii Nizam oo ka talin jirtay gobolka koonfurta ku yaal ee la yidhaa Ander Pradesh ama loo Soo Gaabiyo (AP), ee dalka Hindiya ay u baahdeen dad la dagaalama gumaystihii Ingriiska maadaama aanay awood u hayn iyagu inay iska difaacaan Ingriiska.
Haddaba sida ay qortay Jariirada la yidhaa Chronicle India (in A.C. Guards ama African Cavalry Guards" waxa ay yihiin dad laga soo daad gureeyay xeebaha Somaliland, dadkaa la soo daabulay waxa ay halgan qadhaadh la galeen gumaysigii Ingriiska ee ka talin jiray halkaa, dadkaasi waxa ay maqaam sare ka gaadheen kuraasta sare ee boqortooyada waxaanay ilaashadeen Hidihii iyo Dhaqankii ay lahaayeen waxa ay sameysteen Urur u gaar ah oo la odhan jiray A.C Guards oo ah magac ay isku haybsadaan.
Mar kale sida uu qoray wargeyska Chronicle A.C guards waxa ay leeyihiin inamada ugu badan Hockey Players (Xeegada) uga yaraan waxa ciyaara in ka badan 200 oo qof oo yaqaana (Xeegada) Celcelis ahaan dadweynaha A.C guards 30% ayaa ka yaqaana ciyaarta (xeegada) inta badan waxa ay u saftaan A.C guards ku. Xulka qaranka India iyo ka gobalkaba gebgebadii wargeyska Chronicle, waxa uu diirada saaray jiritaanka A.C guards ka in ay yihiin dad soo jiray qarni iyo badh in ka badan
Dadka A.C guards ka inta badan waxa ay dhaqan doorsoomeen inta garanaysa Ab iyo Isir halka ay ka yimaadeen waxa ka mida Reer Isaaq dadyowga waqtigaa yimid waxa imika nool dadkii ay awoowyada u ahaayeen.
Cabdi-Casiis Axmed Muusa oo wax ku soo bartay Dalka India ahna qoraa buug ka qoray AC-Guards-ka ayaa si fool ka fool ah ula kulmay qaar ka mid ah dadkaa waxaanu warbixin yar ka diyaariyay AC-Guards-ka:
Indian SomalilanderMaxamed Xasan, waa lixdan jir guudku cadaaday waana talax gab ka fadhiistay shaqada Police ka kana gaadhay "inspector" waxa uu haystaa, Substation. Tellephone ka laga dirsado Magaaladda Hyderabad ee dalka India.




