Moderators: Moderators, Junior Moderators









Ciidamo Ethiopian ah oo aad u farabadan kuna hubeysan hub iyo gaadiid dagaal oo kala duwana soo gaaray Magaalada Luuq ee Gobolka Gedo
Luuq, Somalia (AOL) - Wararka ka imaanaya Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in Ciidamo Ethiopian ah oo wata gaadiidka Dagaalka oo gaaraya illaa 50-gaari oo ah nooca Loo yaqaan uraalada ayaa waxaa ay shalay ka soo gudbeen xadka kala qeybiya wadamada Soomaaliya iyo Ethiopia, iyadoo ilaa iyo hadda aanan la ogayn halka ay ku wajahan yihiin ciidankaasi.
Gaadiidka iyo Ciidamada Saaran ee Ethiopianka ayaa la sheegay in ay soo gaareen degmada Luuq ee gobolka Gedo kuwaasi oo fariisin ka sameeystay meel 3-KM u jirta degmada Luuq oo lagu magacaabo Xero kowaad.
Lama oga ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa Imaanshaha Ciidamadan faraha badan ee Degmada Fariisinka ka sameystay. Ciidamadani ayaa la sheegayaa in ay ahaayeen kuwii horey ugu howlgeli jirey Gobolka Hiiraan, iyagoo dhowaana halkaasi ay isaga guureen, waxayna wararku sheegayaan in Ciidamadani degmada Luuq in ay ka soo galeen dhinaca Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool.
Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo iminka ku sugan Magaalada Luuq oo saaka u waramayey Saxaafada ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamadani ay dhici karto in ay u sii gudbaan dhinaca degmada Dolow.
Kaliil ayaa waxaa uu ka gaabsadey in ciidamadasi ay ku soo wajahan yihiin qeybo ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo halkaasi oo dhawaanahani ay dhaq-dhaqaayo xoogan ka wadeen xoogaga ka soo hor jeeda dowlada KMG Soomaaliya iyo Ciidamada shisheeye.
Dadka ku nool gobolka Gedo degmooyinkiisa ayaa waxaa la soo dersay xaalad cabsi ah, kadib markii ay sii kordheen dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee labada dhinac, taasi oo ay ka cabsi qabaan in ay isku farasaaraan Ciidamada Ethiopia iyo xoogaga ka soo hor jeeda ee dhawaanahan dhaq-dhaqaaq ciidan halkaasi ka waday qeybo ka mid ah Gobolka Gedo.
Soo gaaritaanka Ciidamada Ethiopia ee Gobolka Gedo ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xili Col. Barre Hiiraale maleeshiyaadkii uu watay ee dhawaan laga soo saarey magaalada Kismaayo ee Gobolka J/hoose uu tababar uga furmay gobolka Gedo halkasi oo uu xildhibaanka sheegay in uu doonayo in uu dib ugu laabto magaalada Kismaayo.
Axmed Cumar Saalixi - Baardheere/Gedo


The_Emperior5 wrote:merexaanku tigrayga may iska cellin karaan![]()




Return to “General - General Discussions”
Users browsing this forum: No registered users and 68 guests