Togga Dacarbudhuq oo dhinaca bari ka xiga magaalada Hargeisa una dhexeeya Hargeisa iyo Berbera ayaa shalay qaaday qiyaastii saddex gaadhi, Saddexdan gaadhi oo isugu jiray Gaadhi Layla Calawi ah, Gaadhi Xamuula iyo Surf gaadhi dawladeed ah ayaan dhammaantood dadkii la socday wax ku noqon.
Gaadhigan Leyla Calawida-ah ayaa sidan Afar dumara oo midi caruur tahay iyo wiil yar iyo darawalkii ayaa waxaa soo badbaadiyey dadkii daadku xanibay ee dooxa hareerihiisa tubnaa, balse gaadhiga ayaa gebi ahaan daadku qaaday isagoo jebiyey kawarka hore iyo muraayadda horeba, dhinaca kale gaadhiga weyn ee uu qaaday daadku ayaa ahaa gaadhi Waaraada oo xamuul raashin ah siday, balse gaadhiga Surf-ta ah ayaa iyada laga badbaadiyey ka dib markii daadku qaatay iyada oo gaadhi kale ka soo dhex jiiday.
Toggan ayaa shalay xannibay dad aad u tiro badan oo isaga gooshayey magaalooyinka bariga iyo galbeedka Somaliland dhinaca kale waxaa toggan ku xayirmay madax badan oo ka soo noqotay aaskii Guddoomiyihii bisha cas ee ka dhacay degmada Sheekh, madaxdan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirada Hawlaha Guud Siciid Sulub, Caafimaadka Cabdi Haybe, Xildhibaanno, Madaxda Xisbiyada Mucaaradka ah oo ay ka mid ahaayeen Axmed Siilaanyo, Faysal Cali Waraabe, Cabdiraxmaan Saylici, Cabdiraxmaan Cabdulqaadir, Xoghayaha Xisbiga Kulmiye iyo madax kale oo aad u tiro badnayd.





