Wafdigan oo hadda ku sugan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa soo maray magaalooyin iyo tuulooyin badan oo ka tirsan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.
Wafdiga ayaa magaalada Baardheere ku qabtay kulamo badan oo ay kula yeesheen dhinacyada kala duwan ee dadka magaalada ku nool iyagoo Muxaadarooyin gaar ah u qabtay qaybaha Bulshada sidoo kalena uga warbixiyay halka uu marayo Maamuka Islaamiga ah ee Kismaayo.
Sida ay noo sheegeen Masuuliyiin la socota wafdigan ayaa noo sheegay in safarkoodu uu yahay mid shaqo oo ay dacwadda ku gaarsiinayeen magaalooyinka iyo tuulooyinka miyiga ku yaal, waxana intaa ay ku dareen in dadkii ay la kulmeen ay aad usoo dhaweeyeen isla markaana ay la qaateen in shareecada Islaamka lagu xukumo dhammaan deegaanada goboladan.
Dhinaca kale waftigan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ciidamo Itoobiyaan ahi joogaan Gobolkan iyo sidoo kale kuwii Barre Hiiraale Midkoodna, halka ugu sokaysa ee ay ku suganyihiin ciidamadaas cadowguna ay tahay Doolow Itoobiya.
the good sheekh is working hard