this what is coming to all of us. to south,north,east,west.
source. dayniile
Xukuumada Meles oo Calankii iyo caadadiiba u bedeshay kullilka 5aad iyo madaxweyne cusub oo loo magacaabay
Iyadoo dhowaantan ay xilkii ka qaadeen baarlamaanka ku jira gacanta xukuuamada Meles ee degaanka Somalida ee Itoobiya Kullilka shanaad madaxweynihii hore oo ay ku eedeeyeen inuu xiriir hoose la lahaa kooxaha ay ugu yeeraan nabad diidka, ONLF,ayaa waxaa loo magacaabay maalmo ka hor madaxweyne cusub.
Madaxweynahan oo lagu magacaabo Daa uud Maxed Cali ayaa loo magacaabay inuu madaxweyne ka noqdo maamulkaasi Soomaalida Itoobiya ee Killilka Shanaad,waxaana madaxweynahan lagu dhaariyay baarlamaanka hortiisa iyadoo lagu dhaariyay (Itoobiya Tigdham), oo macnaheedu yahay Itoobiya ha noolaato isagoo ugu duceeyey shacabka
Itoobiya inay ku waaraan nabad iyo nolol, isagoo sidoo kalena balan qaaday inuu si wanaagsan u gudan doono waajibkiisa, kana hortagi doono kooxaha xornimo u dirirka ah ee ONLFta.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa munaasabadiisii dhaarinta ku war geliyay shacabka Soomaalida ee Itoobiya in la badalay heestii Calan saarka ee aheyd (Soomaaliyeey toosoo, toosoo isku tiirsada), waxaana loo badalay hees kale oo ay sameeyeen kooxda Somalida Itoobiya iyagoo miro kalena loo bdalay.
Sidoo kale, waxa uu ka sheegay halkaasi in la badalay Calankii dhulka Somalida ee Killilka Shanaad, wuxuuna xusay in calanka laga saaray xidigtii shanta gees laheyd, laguna badalay Hal Geel ah iyomidab Cagaaran (Midab Huruud ah), wuxuuna xusay in sedan ay u garteen xubnaha baarlamaanka iyo maamulkiisa qeybihiisa kale.
Ugu dambeyntiina waxa uu shacabka ku war geliyay la badalay caadadii hore ee Islaamka ee sheegeysay in maalinta Jimcaha ah ay nastaan Soomaalida degaanadaasi oo ay shaqooyinka ka nastaan, isagoo u sheegay in aaney kaligood Islaam aheyn Itoobiyana uu islaam badan ku nool yahay ayna shaqeeyaan maalinta Jimcaha, sidaasi darteedna loo baahan yahay Somalida Killilkuna ay shaqeeyaan maalinta Jimcaha, ayna ka nastaan shaqooyinkooda maalinta Axada ah oo ay nastaan shacabka Kiristanka ah ee Itoobiya, taasoo la yaab ku noqotay shacabka la heysto ee Killilka ee ku hoos jira